Sarkaal Ciidanka Qaranka ah oo ka Waramay Tababar Millatari oo ay ku Qaateen Itoobiya

Hargeysa (Dawan)- Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qalin jabiyay kulliyada difaaca iyo dagaalka Itoobiya, kuwaasi oo ka mid ahaa ciidamo ka socday dalalka jaarka oo koorasyo millatari oo gaabgaaban iyo kuwo dhaadheerba ku qaatay Itoobiya.

Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin ay shalay daabacday wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, oo sheegtay in ciidamo iyo saraakiil ka socday Ethiopia, Kenya, South Sudan, Somaliland, Tanzania, Uganda iyo Burundi ay ka aflaxeen kulliyada dagaalka iyo difaaca Itoobiya, waxaanay tilmaantay inay qayb ka tahay qorshaha Itoobiya kaga qayb-qaadanayso adkeynta xasiloonida iyo ammaanka qaarada Afrika.

Col. Axmed Caydiid Cumar oo ka tirsan saraakiisha ciidammada qaranka ee tababarkaas muhiimka ah dhammaystay ayaa dawladda Itoobiya ku ammaanay fursada ay siiyeen taliska millatariga iyo kulliyada dagaalka ee dalkaasi, waxaanu sheegay in aqoonta uu tabobarkaas ka kasbaday uu kor ugu qaadi doono awooda millatari ee ciidammada qaranka JSL

Col. Axmed Caydiid wuxuu intaas ku daray in dawladda Itoobiya tahay dal weyn oo kaalin weyn ka qaadata adkaynta ammaanka gobolka iyo la dagaalanka argagixisada.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com