Dr Zakir Naik waa laga xidhayaa Peace TV

 

Dr Zakir Naik oo ah sheekha caanka ah ee maamula Peace TV iyo mac-hadka Islamic Research Foundation ayaa dawladda India ulo booco ah ugu tukubaysaa sidii ay uga xidhi lahayd TV-ga iyo Mac-hadka Daraasaadka Islaamka labadaba.

Xeer-Ilaaliyaha India ayaa Dr Zakir ku eedeeyey in uu yahay sheekh lidi ku ah wada-noolaanshaha dadweynaha reer India ee kala dhaqanka iyo diinta ah.

Waxa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha dambiyo laga helay ilaa 60 khudbadood oo uu jeediyey iyo sidoo kale dambiyo ka dhacay xarumaha uu maamulo.

Xeer Ilaaliyaha India ayaa soo jeediyey in lala wareego dhammaan hantida TV-ga iyo mac-hadka uu sheekhani maamulo.

Codsiga Xeer-Ilaaliyahu wuxu hor yaalaa Golaha Wasiirrada kuwaas oo laga yaabo in ay ansixiyaan una sii gudbiyaan maxkamadda Mumbai.

Wargeyska New Delhi ka soo baxa ee Hindustan Times ayaa la xidhiidhay af-hayeenka mac-hadka Islamic Foundation Research uu maamulo Dr Zakir Naik kaas oo ka gaabsaday in uu wax ka sheego dacwadaha ka dhanka ah.

Bulshada Islaamka ee India ayaa aaminsan in aanu sheekh Zakir Naik wax dambi ah gelin laakiin lagu bartilmaameed-sanayo diinta uu aaminsan yahay.

Haddii la xidho Mac-hadka Daraasaadka Islaamka waxa halkaa ku soo af-jarmi doona bandhigyo waaweyn oo diini ah oo uu qaban jiray iyo wacdiyo joogto ah oo TV-ga ka bixi jiray oo wax weyn u ahaa bulshada Islaamka ee India iyo bulshoweynta Islaamka ee af-Ingiriisiga isku af garata.

Bandhige@gmail.com