Duufaanta Matthew oo ku dhufatay gobolka Florida

Duufaaanta loogu magac daray Matthew ayaa waxa ku dhufay gobolka Florida xeebihiisa bari subaxnimada jimcaha.

Duufaanta Matthew ayaa horey boqolaal qof ugu soo dishay waddamada Caribbean-ka, oo ay ku jiraan 300 oo ay ku dishay dalka Haiti.

Duufaaantan ayaa waxa hadda hoos loogu dhigay darajada saddexaad, waxayna wadataa dabeylo ku socda 100 KM saacadiiba oo ku dhacaya guryaha.

Illaa laba milyan oo qof oo ku nool xeebaha Florida ayaa la amray in ay guryahooda ka tagaan una baxaan meelo ammaan ah.

In ka badan 240,000 qof ayaa waxay ku sugan yihiin xaalad koronto la’aan ah, iyada oo la filayo in dadkaas ay sii kordhaan marka duufaanta ay u dhaqaaqdo dhinaca waqooyi ee gobolka.

Dadka saadaaliya cimilada ayaa sheegaya in duufaanta ay marka ay u dhaqaaqdo dhinaca waqooyi ku dhufan doonta xeebaha bari ee gobollada Georgia iyo South Carolina, ka hor inta aysan dhinaca badda u dhaqaaqin ama kusoo laaban Florida mar labaad.

bandhige@gmail.com