Duur oo shir-beeleed Siilaanyo ka qayb-galay ku tilmaamay mid gef ku ah haybadda madaxweynaha

 

War-murtiyeed mar dhawayd lala wadaagay warbaahinta ayaa tibaaxaya in Maxamed Nuur Carraale oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha uu dhaliilay shir maanta gelinkii hore Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu la socday ay la galeen beesha Axmed Faarax oo ka mid ah beelaha Bariga Burco, beeshaas oo cuqaasheedu ay tibaaxeen in ay taageersan yihiin murashaxa Muuse Biixi Axmed.

War-murtiyeedka oo dhammaystirani wuxu u qoran yahay sidan:

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa si adag u dhalliilay kulan beelaysan oo Madaxweyne Siilaanyo beel ka mid ah beelaha bariga Burco uu cod ugu weydiinaayey Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu kulankaas ku tilmaamay mid qorsheysnaa oo loo maleegay Madaxweyne Siilaanyo isla mar ahaantaana cid ismuujinaysaa ay ku wiiqeysay haybadda iyo sharafta Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta Internetka ee uu ku lee yahay Facebook, waxaana uu sida oo kale dhalliilay nidaamka Gaashaanbuuraysiga ah ee Madaxweynahu codka ugu doonaayey Muuse Biixi isaga oo carabka ku dhuftay in Madaxweynaha aanay beel gaari u codeyn balse ay u codeeyeen dhammaan ba beelaha dega Somaliland isla mar haantaana aanay mudneyn in Madaxweynahu uu abaalkooda dafiro.
Qoraalka Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
Maaha milgihii madaxweyne!
Madaxweyne waa masuulka qaranka ugu sareeya waa mideeyaha ummada guud ahaan mid doortay iyo midaan dooran , waxa xilkaasi fuulay ka dib markii uu ka guulaystay cidii tartankaa la gashay.
Axmed waa madaxweyne waayeel ah oo aan filaayay inay ku filantahay in uu taariikh nololeed dahabi ah uu ku gunaanadi doono sharaf iyo in uu ka tago dal iyo dad midaysan
Sidii madaxweynayaashii isaga ka horeeyayba asteeyen ! . Mudane madaxweyne waa lasoo maleegay shirkaa adna waa lagugu shaanbadeeyay allowse sharaftaadii ma dileen
Madaxweyne waxaan muran ku jirin in dhamaan ummada reer somaliland bulshada degtaa aanu jirin reer ama qabiil ama ardaa habayaraate aanad cod ka helini , markaa maanta ma qabataa qof kula soo halgamay kuu codeeyay ood codkiisii madaxweyne ku noqotay inaad ku sagootido waxaa i doortay.
GAASHAANBUUR AMA IS BAHAYSI LABA REER AH ย Abaalkaana aad u lingaxdo cid magacaaban

Madaxweyne maanta waxaa safarka kugu weheliyay masuuliyiin aan ahayn Isbahaysiga aad sumaday oo kula wadaaga aragtida kulmiye iyo in muuse lagu dhiso xisbinimo , hadaad ka faqdeen oo faqu ahaa beelo ama reero ma qabataa inaad ka raacdo adigoo odaygii qaranka ahaa ood ka qarsato ? Waabay dhacdee hadii faq qabiil ahayd maxaad ufaafiseen ?

Madaxweyne waad ka tegaysaa xilka qaranka oo xil la wada leeyahay oo la wadaago ceeb uma arko inaad cod u raadiso masharaxa kulmiye saxiibkayo Muuse, milgaha iyo masuuliyada aad u hayso mucaarad iyo muxaafadba sidee ayaad ugu cadayn kartaa inaad qabanayso doorasho xor ah oo xalaal ah ama sidee qaran mid ah oo la yidhaahdo somaliland adiga dabadaa loo heli karaa?

Madaxweyne waxaan ahay intii kula soo shaqaysay intii kula soo martay mucaarad waxaan kula wadaaga taariikh wanaagsan iyo mid xun , allah ma qadaro taa xune inta kula wadaagta magacaa maantana qoraalkani waa iga magac dhawr maaha mucaarad anoo ah xisbi mucaarad ah . Waa tudhaale aan u muuqan mid is muujin iyo jawaab u isticmaalaya haybada madaxweyne oo cid iga sheegan kartaa aanay jirin .

DHAMMAAD