Eedaymo musuqmaasuq ka dib waxay Guddiga Fulinta ee FIFA ansixiyeen in ururka isbeddel lagu sameeyo

FIFA oo ay muddooyinkii u dambeeyey dul hoganayeen eedaymo musuqmaasuq oo saraakiil ka mid ahi wali u xidhan yihiin ayaa waxay Guddiga Fulinta ee FIFA  ogolaadeen in dib-u-habayn iyo wax-ka-badal lagu sameeyo FIFA si ay uga badbaado FIFA burbur ho rleh oo ay eedaymahani sababaan.

Qorshahan cusub oo la horgayn doonto shirka guud ee FIFA ee dhici doona bisha Feberwari ayaa waxa ka mid ah in la caddeeyo mushaharka, wakhtiga iyo dhimista awoodaha xubnaha sare.

Sidoo kale waxa dib loo dhigay go’aanka lagu kordhinayo waddamada ka qayb galaya tartanka ciyaaraha adduunka oo haatan ah laba iyo soddon waddan oo la doonayo in laga dhigo afartan dal.

Todoba sarkaal oo ka tirsan FIFA ayaa lagu xidhay Iswisarland bishii May, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu soo wareejiyey dawladda Maraykanka, taas oo qayb ka ahay baadhitaanadda musuqmaasuq ee lagu soo eedeeyey FIFA.

bandhige@gmail.com