Eeraan oo sheegtay in ay dacwad ka dhan Sucuudiga u gudbinayso Qaramada Midoobay

Dawladda Eeraan oo ay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jareen waddamo u badan Sunni oo taageeray Sucuudiga, ayaa waxay Eeraan sheegtay in ay dacwad u gudbinayso Golaha Ammaanka ka dhan weeraray ay sheegtay in Sucuudigu ku duqeeyey safaaradooda Yemen ee Sanca ku taal.

Warbaahinta Eeraan ayaa baahisay in firir gantaal ku dhacay gidaarka safaarada oo ay ku dhaawacmeen dhow qof oo ka mid shaqaalii safaaradu.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeyn culus loo geystay agagaarka safaarada, balse aanay muuqan wax burbur ah oo dhismaha soo gaadhay.

Inkastoo xulafada uu horkacayo Sucuudigu ay beeniyeen in ay duqeeyeen deegaannada u dhow safaarada.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu meel xun marayo khilaafka diblomaasi ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Eeraan.

Dawladda Eeraan ayaan wali haynin waddan taageer oo iyaguna Sucuudiga xidhiidhka u jara sida waddama badani ay ula safteen Sucuudiga.

Khilaafka Eeraan iyo Sucuudiga ayaa waxa uu salka ku hayaa dilkii Sheekh Shiico ah oo Sucuudigu dileen.

bandhige@gmail.com