Eeran waxay bilawday mashruuc internet-ka oo ay leedahay

Eeraan ayaa ku dhawaaqday in ay dhamaysay wajigiii koowaad ee qorshe ay ku samaysanayso internet waddanka gooni u ah.

Xaflada furitaanka ayaa wasiirka warfaafinta iyo isgaadhsiinta Mahmoud Vaezi uu qabtay Axadii.

Wakaarada wararka ee ee waddanka ee Irna ayaa sheegtay in mashruuca uu bixin doono internet tayadiisu fiican tahay oo dhaqso badan, raqiisna ah.

Laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in ujeedada mashruuca ay tahay in dawladda ay koontaroosho waxa ay bulshada internetka u isticmaalayaan.

Inkastoo Eeraan ay xayirtay baraha bulshada ee Twitter, Instagaram iyo Facebook oo saldhigoodu yahay dibedda, macaamiil badan ayaa isticmaala iyagoo adeegsanaya adeegyada internetka ee qaaska ah ee (VPNs).

Ujeedada ka danbaysa mashruuca ayaa markii u horaysay lagu dhawaaqay 2010, wuxuuna qorshaha uu ahaa in la hirgaliyo sannadka 2015.

Dawladda ayaa sheegtay in ujeedada ay tahay in la sameeyo internet gaar u ah waddanka oo loo isticmaali karo xogta Islaamka iyo in kor loo qaado isticmaalka digitalka ee dadka.

Ujeedadu waxay tahay in lagu badalo internet la isticmaalo, kaasoo ay dawladda ay xayirto meelaha qaar laakiin dadka ay is ticmaalaan adeegyada qaaska ah ee internetka ee (VPNs), iyadoo Mr Vaezi uu ku tilmaamay ‘xayiraad aan wada dhamayn’.

“Dhamaan adeegyada waddanka, borogoraamiyo badan oo kala duwan ayaa ku jira internetka waddanka ayuu sheegay wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan uu ka hortagi doono weerarka lagu qaado compuutarada.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Eeraan ee Mehr :

  • Wajiga hore waxaa dadka helayaan webiteyada dowladda iyo wbsiteyada Shirkadaha waddanka
  • Wajiga labaad voo bilaabanaya February 2017, waxaa lagu darayaa video-yaasha waddanka
  • Wajiga saddexaad oo bilaabanaya March 2017, ayaa bilaabaya adeegyo dheeraad ah oo taageeraya shirkadaha sameeya ganacsiga caalamiga.

Laakiin kooxda Ingiriiska ee u ololaysa xuquuqda bini’aadanka ee qodobka 19 ayaa ka digtay mashruucan.

Waxay sheegtay mashruuca internetka ee waddanka in uu sii balaadhinayo xayiraada, ilaalinta iyo xog la’aanta, iyadoo arrintaas ka hadlayaana waxay yidhaahdeen:.

“Waxay qatar galinaysaa in ay Iran ka soocdo internetka adduunka intiisa kale, iyadoo xayiraysa sidii xog loo heli lahaa iyo in laga hortago inay dadka sameeyaan mudaaharaadyo.”

bandhige@gmail.com