Erdogan wuxu muslimiinta ugu baaqay in ay u midoobaan la-dagaallanka Israa’iil

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa waddamada musliinta ugu baaqay in ay u midoobaan la dagaalanka Israa’iil. Wuxu hadalkaa ka jeediyey shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadaan Ururka Waddamada Islaamka kaas oo lagu qabtay Istanbuul.

Madaxweyne Erdogan wuxu sheegay in loo baahan yahay in Israa’iil lagula xisaabtamo dilka ay u gaystaan shacbiga falastiiniyiinta.

Hadalkani wuxu ku soo beegmayaa wakhti ay dhaceen mudaharaadyo baaxad lahaa kuwaas oo ka dhacay Qaza isla markaana ay dawladda Israa’iil ku dishay tiro ka badan 60 qof isla markaana ay ku dhaawacday 2000 oo qof.

Dilalkan ayaa soo jiitay cambaarayn badan oo caalamka kaga timid Israa’iil.

Erdogan wuxu sidoo kale dhalliilay safaaradda ay Maraykanku ka furteen Quddus taas oo ah aqoonsi uu Maraykanku u aqoonsaday Quddus in ay tahay magaalo-madaxda Israa’iil.

Maalmahan u dambeeyey waxa warbaahinta bulshada hadalo kulul isku dhaafsaday Madaxweyne Erdogan iyo Ra’iisal-Wasaare Netenyahu.

Il-wareed: Aljazeera