Eritrea waxay taageertay Qadar, waxay ka soo horjeesatay dalab uga yimid Sucuudiga iyo Imaaraadka

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Eritrea ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatku ay ka codsadeen in Dawladda Eritrea ay xidhiidhka diplomaasiga ah u jarto Qadar.

Warsaxaafdeedka ayaa lagu sheegay in dawladda Eritrea ay gabi ahaanba arrintaasi ay diidday.

Eritrea ayaa sheegtay in shacabka Qadar ay wadaagaan xidhiidh wanaagsan, isla markaana aysan suurtagal ahayn in codsiga dalalkaasi awgii ay xidhiidhka u jaraan.

Warsaxaafdeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Eritrea ayaa sheegay in madaxweynaha Eritrea uu ku baaqay in waanwaan lagu dhameeyo xiisadda u dhaxaysa Qadar iyo Dalalka ay is khilaafsan yihiin.

bandhige@gmail.com