Trump: Qatar weligeed ba argagixisaday taageeri jirtay

 

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dalka Qadar ku tilmaamay in uu yahay dal weligii ba taageera u fidin jiray argagixisada. Mar uu ka hadlayay aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa Trump waxa oo uu sheegay in la joogo xiligii wadamada khaliijka ay joojin lahaayeen dhaqaalaha ay siiyaan argagixsada.

Hadalka Madaxweynaha Maraykanka ayaa yimid maalmo un kaddib markii xoghaya Arrimaha Dibedda ee waddanka Maraykanka, Rex Tillerson uu ku booriyay dalka Sucuudiga, iyo wadamada khaliijka in ay qadaan xayiraada ay ku soo rogeen dalka Qadar, wuxuuna sheegay in go’doominta ay horseeday cunni yari.

Dawladda Jarmalka ayaa iyaduna sidoo kale ku baaqday in dadaalo diblumaasiyadeed lagu xalliyo dhibaatada sii kordheysa ee Qadar, taas oo afar dal oo Carab ah ay ku eedeeyeen in ay maalgeliso argagixisada.

Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Masar iyo Baxrayn ayaa Isniintii waxa ay dalka Qadar u jareen xidhiidhkii socdaalka iyo midkii diblumaasiyadda.

Sidookale wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jarmalka, Sigmar Gabriel, oo hadlay kaddib markii uu martigaliyay dhiggiisa Qadar, ayaa ku baaqay in la qaado xayiraadaha badda iyo cirka ee Qadar lagu soo rogay.

Qadariyiinta ayaa diiday eedaha ah in ay taageeraan kooxaha xagjirka Islaamiyiinta ah.

Tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeeyo Qadar iyo dalalka ay dariska yihiin, ayaa Jarmalku waxa uu xoogga saarayay in xal diblumaasiydaeed lagu dhammeeyo khilaafka.

bandhige@gmail.com