Ethiopia: Shirka madasha Tana Forum oo maanta ka furmaaya Bahir Dahir, dalka Itoobiya

Waxaa maanta ka furmaya magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya shirk afaraad ee Tana Forum. oo ah Forum lagu falanqeeyo arrimaha amniga ee Afrika, isla markaana ah madal wada hadal iyo taxliilin ah.

Shirka sanadkan ayaa looga hadlayaa waxa la yiraahdo Cilmaaniyadda iyo Siyaasadda (Secularism and Politicised faith).

Waxaa sanadkasta lagu casumaa, Madaxweyaal, Madaxweyaal hore, siyaasiyiin, Diblomaasiyiin Aqoonyahan iyo dad wax ku soo kordhin kara arimaha laga hadlaayo.

Dadka ka hadlaaya sanadkan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee tansaaniya Benjamin Mkapa, hogaamiyaha Xisbiga al-nahda ee dalka Tuuniisiya Rashiid Qanuushi, ergaygii hore ee Qaramada Midoobey u dirtey xasaradda Siiriya Lakhdar Brahimi, Cilmi baaryaal kale iyo aqoonyahano dunidda caan ka ah.