Faahfaahin, Weerarkii al-Shabaab ku qaadeen Wasaaradda Waxbarashada oo la soo afjarey (Sawiro)

Koox ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey dhismaha ay wada degan yihiin Wasaaradaha Waxbarashada iyo Wasaaradda Batroolka & Macdanta, subaxnimadii maantey (Isniin) ka hor xilliga salaadda duhur. Dhismaha xarumaha Wasaaradahan ayaa ku yaala meel ku dhaw KM4. Waa shimihii Wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, hadda waxaa ku howlgala Wasaaradda Waxbarashada iyo tan Batroolka.

 Weerarka ayaa ku bilowdey, qarax loo adeegsadey gaari, kadib waxaa xigey in rasaas laga maqlo dhisamaha, waxaana gudaha u galay ugu yaraan ugu yaraan 5 nin oo hubeysan. Sida wararku sheegayaan kuwa weerarka soo qaadey ayaa tiradooda guud ahayd 7 dhalinyaro ah kuwaas oo da’doodu u dhexeyso 13 – 17 sano, waxaa qaraxa gaariga ku dhintey labo kamid ah halka 5 ay isku dayeen in ay qabsadaan dbhisamaha taas oo u suurtogeli weydey, khasaareaha ugu badan ee dhimashada ayaa ka dhacdey banaanka hore ee dhismaha wasaaradda.

Waxaa isla markiiba soo gaarey dhismaha la weeraray ciidamada Dowladda federaalka ah ee sida gaarka ah loo tababarey, kuwaas oo ku guuleystey in ay dilaan kuwii weerarka soo qaadey, isla markaaan waxay la wareegeen amaanka Wasaaradda.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Haji Abdiweli ayaa sheegay in 17-qof ay ku dhinteen weerarka oo ay ku jiraan 7- nin oo al-Shabaab ah. Dadka badankiis waxay ku dhinteen qaraxa gawaaardia ee banaanka wasaaradda ka dhacay.

Sida loo xaqiijiyey Horseed Media marka weerarku dhacaayo, Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Drs. Khadro Bashiir, kuma sugneyn xafiiskeeda, Waxaana ay ka baxdey dhismaha wasaaradda wax yar ka hor inta aan weerarku dhicin, wararku waxay sheegayaan in ardey ka badan 40 ay Wasiiradda kula shireen Wasaaradda kuwaas oo rajeynaya in ay ku guuleystaan deeq waxabarasho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa gaarey dhismaha Wasaaradda, waxaana uu sheegay in amaanku sugan yahay, geesiyaasha qarankuna ay xaaladda gacanta ku dhigeen.

 Waxaa weerarkan si rasmi ah u sheegtey ururka al-Shabaab oo uu u hadley afhayeenkooda dhanka ciidanka , ninka la baxay Cabdicasiis Abu-Muscab.

Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor taariikhduna ku beegneyd 2 Abril weerar ku qaadey ardey hurada Jaamacadda Gaarisa waxaana ay dileen 148 kamid ah, waa weerarkii labaad ee al-Shabaab ay la eegtaan waxbarashada.