Golaha Amaanka oo cunno qabateyn ku soo rogey Xuuthiyiinta Yemen

Golaha Amaanka ee Qaramada Midobey ayaa u codeeyey go’aan sheegaya in hubka laga xanibo Xuuthiyiinta Yemen, sidoo kale waxaa cuno qabateyn lagu soo rogay hoggaamiyihii hore Yemen iyo wiilka uu dhalay.

 Mooshainkan oo ay soo gudbisey dalka Urdun (Jordan) oo hadda xubin ka ah Golaha Amaanka oo ka kooban 15 dal, waxaana Mooshinka soo qorey dalalka Khaliijka waxaana uu dhigaayey in cunno qabateyn dhanka hubka ah la saaro Xuuthiyiinta iyo isbahaysigooda.

15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 14 kamid ah u codeysey Mooshinka Urdun soo gudbisey, waxaana ka aamusey dalka Ruushanka oo horey looga cabsi qabey in uu VETO saarayo.

Ruushka ayaa ku doodaya in xanibaadda lagu soo wada rogo dalka Yemen oo dhan ee aan hal dhinac keliya lagu soo rogin.

Qaraarka la meelmariyey ayaa ugu baaqaya Xuuthiyiinta in ay isaga baxaan dhamaan hantidada Dowladda ee ay qabsadeen oo Caasimaddu ku jirto.

Dadka liiska madow la geliyey waxaa kamid ah hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdimaalik al-Xuuthi, Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo wiilka uu dhaley ee ciidamdiisa u sareeya Axmed Cali Saalax.

Ergayga dalka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey Vitaly Churkin ayaa sheegey in aysan habbooneyn in qaraarkan cusub loo isticmaalo in xaaladda bensiin lagu sii shubo, ma jiro xal aan ahayn in siyaasad iyo wada hadal lagu dhameeyo xasaradda ka aloosan Yemen.

Khaled Alyemany oo ah ergayga Qaramada Midoobey ee dalka Yemen ayaa u mahad celiyey Golaha Amaanka meelmarinta qaraarka Xuuthiyiinta ka dhanka ah.

Dalka IRAN ayaa lagu eedeeyaa in uu taageero weyn siiyo Malayshiyaada Xuuthiyiinta ee aaminsan mad-habta Shiicada.