Maraykanka oo canbaareeyey weerarkii Wasaaradda Waxbarashada

Ergayga gaarka ah ee dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa war-saxaafadeed uu soo saarey si ba’an ugu canbaareeyey weerarkii Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee ay al-Shabaab shegteen in ay ka danbeeyeen, waxaana weerarkaas ku dhintey 11 qof iyo 7 kamid ah kuwii weerarka soo qaadey.

James P. McAnulty ayaa sheegay in ay markasta garab taagan yihiin Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedaan argagixisada al-Shabaab.

 Ergayga ayaa u mahad celiyey  Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee sida deg-dega ah u soo afjarey weerarkii naflacaariga ahaa.

James P. McAnulty ayaa sheegay in weerarku calaamad u yahay sida kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ay uga soo horjeedaan waxbarashada dadka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in Dowladda Mareykanka  ay gaarabtaagantahay umadda Soomaliyeed si looga tirtiro argagixisada dhamaan dalka Soomaaliya.