Faallo: Caddaani-baa dhaami ayaa lagu han weynaaye Cukusihii la hiifayaa kaga haboonaa (WQ: Suxufi Maxamed Xasan Faarax)

Waa Wasaarad Shaqo adag u haysa Qaranka,Waa Wasaaradda Jaangoysa Hannaanka War iyo Wacyigelin ee Qaranku u Baahan Yahay,Waa Wasaarad ay ka Shaqeeyaan Ku dhawaad 700 oo Hawl Wadeen,Waa Wasaarad noqotay inay ka dhex abuurmaan Dabaqado Nololeed oo kala fog,Kanina Waa Wasiirkii Lixaad ee Soo Maray Xayndaabka Wasaaradda Warfaafinta Mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo Xilka hayay.

Waxaa Laga Joogaa Ku Sinaan 7 Bilood ka Hor Markii uu Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani uu kala Wareegay Xilka Wasaarada Warfaafinta Wasiirkii ka horeeyay haatana ah Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse.

Waxa uu Wasiir Caddaani Madal loo wada dhamaa ka Sheegay inuu u Cadaalad Samayn doono Shaqaalaha Tirada badan ee isku dul dulman ee Xayndaabka Wasaaradiisana ka hawl gala,Inuu noqon doono Mas’uulkii u horeeyay ee Sadexda Wakhtiba laga helo Xarunta Wasaarada inuu noqonayo Mas’uulka ugu soo horeeya Subixii soo Gala Shaqada uguna danbeeya Habeenkii,Inuu Joogtayn doono isla Xisaabtanka Waaxyaha Wasaarada Cidkastana lagu abaal marin doono Sida ay uga soo baxaan Shaqada qaranka ay u hayaan,Waxaa Weedhaasi dareen farxadeed oo digtooni ka muuqato ku qaabilay Shaqaalihii uu la hadlayay.

Faaladan oo Si Kooban aynu ugu eegi doono Mudadii uu Wasiirku ku Magacawnaa Xilka Wasaaradan Waxaan ku eegi doonaa Dhaliil iyo Wanaag Wixii uu soo Kordhiyey si Miisaanka Caddaaladeed qof kastaa u saaro.

Waxaa Xaqiiq ah Mugdina aanu ku Jirin in Wasiir Caddaani ku Guulaystay Bishii May ee Sannadkan 2016 Hagaajinta qaybtii Live-ka ee Telefishanka Qaranka oo Ciladi la soo deristay Bishii November ee Sannadkii Tegay ee 2015 Kadib markii uu Shaqayn waayay Qalabkii Suurto gelinayay in Telefishanku Sameeyo Barnaamijyo Toos ah (Live Program) Waxaa kale oo Wasiirka uu ku Guulaystay inuu Telefishanka Qaranka ka Raray Maxadaddii hore looga daawan jiray isagoo go’aankaas uu qaatay uu ku Soo Beegmay Ayaamihii u diyaar garawga Xuska 18 May, Waxaanu Qaraarkan u qaatay Kadib markii uu ogaaday inaanu Jirin amase Cid haysa la aqoon Heshiiskii uu Telefishanka Qaranku Kula Jiray Satellite oo Gacmo door ahi ka dhex macaashi Jireen Waxa isaga iyo Agaasimaha Farsamadu ay dalka Taywan u Tegeen si ay Heshiis ula soo Saxeexdaan Companiga Thaikom  kaas oo u dhaqan galay sidii la rabay,Kuwaasi waa Wixii Guul ah ee Wasiirka u qabsoomay.

Qodobada Guul darada ah ee Ilaa iminka aanu Wasiir Caddaani ku Guulaysan ee Ka Mid ahaa Balanqaadkiisii.

Dharaarihii u Horeeyay ee Wasiirku Xilka Wasaaradan la wareegay Waxa uu Nasiib u Helay in Dalka Qadar uu Deeq Waxbarasho iyo Mid Tababarba u Fidiyey 7 Xubnood oo ka mid ah Hawl wadeenada Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah,Iyadoo la soo raaciyey Shuruudaha looga baahan yahay Qofka Tababarka la soo siinayo,Waxay ahayd Tijaabadii Kowaad ee Min qiyaas u noqonaysay Kartida iyo Go’aan qaadashadan Wasiirka , Mudane Caddaani Wuxuu soo Xulida 7-daas Shaqaale ah u Saaray Gudiyo, Qof Jeclaysiga iyo Qaraabo Kiilku Waa dhaqamada Guracan ee Bulshadeena ku soo badanaya Tirada ka shaqaysa Idaacada Qur’aanka Kariimka ahi Waaba 7 Qof Marka Ilaahay laga Baqo intaas ayay ahayd in Marka hore laga Fuudh yeelo maadaama aanay ku qaadan Wax Guno amase Mushahar ah hasa yeeshee Gudiyadaasi waxay soo Kala Saareen Xubno kala duwan iyadoo qaarkood lagu dhaliilayay in Xulashadooda ay ku Saleeyeen hannaan ka baxsan Hawshii loo Igmaday, Waxaa adkaatay Sidii Xubno la isku waafaqsan yahay loo soo saari lahaa iyadoo laga faa’iidaysanayo Fursadan, Nasiib daro Waxay dhaxalsiisay in Deeqdaas Waxbarasho oo noqonaysay Fursadii 1aad ee Wasaaradu hesho ay Gacmaha Wasiirka iyo inta ku dhow ku burburto.

Isu Keenida Waaxyaha Wasaaradda ee La Mideeyay

Geesta Kale Wasaarada Warfaafintu Waxay u qaybsanayd dhawrkii Sanno ee u danbeeyay Laba Tiir oo lagu saleeyo Miisaaniyada uu qaranku u qoondeeyo Kuwaas oo kala ah Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Iyo Telefishanka Qaranka Hasa yeeshee Waxaa Magacaabistii Wasiir Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani la socotay Wareegto Madaxtooyadu ku Sheegtay in Telefishanka qaranka laga bilaabo taariikhdii Xeerkaas uu Siyaasad,Maamul iyo Dhaqaale ahaanba uu hoostago Wasiirka Warfaafinta,Wuxuu Caddaani ka Gows qabsaday inaanu qaadan Karin in Wasaarada loo soo igmaday ay Laba Maamul kala yeelato Wuxuu go’aansaday inuu Telefishanka qaranku yahay Waax ka mid ah Waaxyaha Wasaarada Warfaafinta hasa yeeshee Waxaa Weli Taariikhda Wasiir Caddaani hor taala Su’aasha ku Saabsan Siduu u Mideeyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Telefishanka Qaranka iyadoo si is le’eg loogu soo kala qaado Mushaharooyinka Shaqaalaha Sidoo kalena ay kala Maamul yihiin ilaa hada.

Balanqaadkii Wasiir Caddaani ee Joogitaanka Sadexda Wakhti Xayndaabka Wasaaradda

Dhinaca Kale Wasiir Caddaani inkasta oo Maalintii uu Xilka la wareegay uu Balan qaaday inuu noqon doono Mas’uulkii u horeeyay ee Sadexda Gelinba Xaadir ku ahaada Kaanboolka Wasaaradiisa ayaa Waxaa la odhan karaa Waxa hadalka Wasiirku Ficil ahaan u Jiray Todobaadkii u horeeyay ee Xil hayntiisa iyadoo haatan aan inta badan laga helin Xitaa Xafiiskiisa.

Wuxuu Wasiirku Tusaale u Soo qaatay Wasaaradii laga Soo Bedelay ee Duulista Hawada oo uu Sheegay inay Sadexda Wakhtiba Shaqayn Jirtay Isla markaana uu Mar kastaba Heegan ku ahaa.

Balan Furkii Kulan La Qaadashada Shaqaale Weynaha Wasaaradda

Arrinta kale ee Xiisaha lihi waxay tahay in Wasiirku Madashii uu Xilka kula wareegayay uu ku Sheegay inuu Bil kasta dhamaadkeeda Kulan balaadhan oo is xog waraysi ah la yeelan doono Shaqaalaha weynaha wasaaradda Warfaafinta,Wasiir Caddaani oo iminka Xilka hayay Laga soo bilaabo 23 bishii February 2016 Ilaa iminka oo lagu Jiro Bishii October ay dhamaad tahay Muu dhicin Hal Shir oo uu Shaqaale weynaha la yeesho.

Caddaalad Darada loo Caal waayay ee u Xaq soorida Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Waxaa Jirta In Xayndaabka Wasaarada ay Weli Ku Sugan Yihiin Muwaadiniin in ka badan 3 Sanno ka Shaqaynayay Waaxyaha Wasaaradda oo aan Wax Mushahar iyo Guno toona qaadan.

Wasiir Caddaani Wuxuu Marar kala Duwan balanqaaday inaanu u dulqaadan Karin Duudsiga iyo Xaqdarada Taala Wasaaradda uu Hogaaminteeda hayo, Wuxuu Sheegay in Mudada uu Wasaaradan Joogo uu si Caddaalad ah uga Xaqsoori doono Shaqaalihiisa si Mustaqbalka Marka uu Wasaaradan ka Tago loogu Xusuusto,Waxaa Kale oo La yaab iyo u qaadan waa’a ku noqotay Hawlwadeeno Wasaaradda Joogay Sadex Sanno iyo Wax ka Badan oo aan qaatan Wax Mushahar iyo Guno toona Wasiirku isagoo Qiiraysan,Indhihiisana ay Ilmo ku soo taagan tahay ayuu ku Tiraabay “ Waar Miyaydaan is lahayn dhulku wuu idin la Go’i doonaa,Waa Maxay Dulmiga intaas le’egi,Siday Sidaasi ku dhacday,arrintan Wax baan ka qabanayaa”

Sidoo Kale Wasaaradda Warfaafintu Waxay Weriyeyaal ku leedahay Waddamada Dibada Sida Qaarada Yurub,Maraykanka, Dalal ka mid ah Bariga Dhexe, iyo Qaaradan Africa Shaqaalahan oo laga Yaabo in Wax soo saarkoodu uu aad u hooseeyo Suurto galna ay tahay in Mid kasta oo Ka Mid ahi uu Bishii soo diro Hal war ayaa hadana lagu abaalmariyaa 1500 $ oo dollar ka Wasaaradda dhex Jooga ee afar barnaamij iyo Wararba soo saaraa Waxa uu qaataa Hal Milyan iyo Wax ka yar !!!!!

Sidoo kale Waxaa Wasaaradda Warfaafinta ka dhacday ilaa hadana taagan in Agaasime Waaxeed uu ka Mushahar iyo Gunaba badan yahay Madax waaxeed Si kale aan idiin fahamsiiyo Waa anigoo idhaahda Tusaale ahaan Wasiirka Waxaa ka Mushahar badan Agaasimaha Guud,Siday Suurto gal ku tahay? Tana Jawaab ina kaafida looma hayo.

Dhinaca Isaga Xoorkii Jaangooyntii Wasaaradda Maaliyadu u soo samaysay ee Mushaharka Iyo Gunooyinka Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiir Cismaan C.laahi Saxardiid Isagoo ka duulaya Sidii Maamulkii ka horeeyay ugu Fashilmay Jaangooynta Mushaharooyinka iyo Gunooyinka ay qaataan Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu wuxuu qaatay Go’aan intii horeba ka duwan waxa uu Wasaarada Maaliyada oo uu Saaxiibo dhow ku lahaa u Xilsaaray inay isku soo Jaangooyaan Mushaharka iyo Gunooyinka Cirka iyo Dhulka isu Jira,Mudo kadib waxay Gudidii Maaliyadu ku soo Celiyeen Wasiirka Sida ay isugu soo Sarjareen Mushaharka iyo Gunooyinka uu u Xilsaaray,Hasa yeeshee iyadoo la eegayo Fulinta Go’aankan Waxa uu bedelkeedii Wasiirku qaatay inuu Hoosta Dhigto taladaas,Isla markaana Ilaa iyo Xiligan ku Dhici kari la’yahay Sidii uu Go’aan Buuxa uga qaadan lahaa Tabashada Shaqaalaha ee Sed bursi loogu sameeyay qayb ka mid ah Hawl wadeenada Wasaaradaas oo la odhan karo Wuxuu Qallinku ugu Taraaray Si Qayrul xad ah,Waxaa kale oo Xusid Mudan inay Wasiirka Hor taal Qiimayn dhamaystiran oo ay soo sameeyeen Gudi ka tirsan Waaxyaha Warfaafinta,Hasa yeeshee Wuxuu qodobkani ilaa manta Sugayaa Mas’uul ku dhac iyo go’aan qaadashaba leh.

“Wada Shaqayn la’aanta Isaga iyo Maamulka ka hooseeya Sida Agaasimaha Guud.”

Barbar Kale hadaynu ka eegno Nidaamka Maamul waa inuu ku dhisnaado Wada Shaqayn buuxda oo u dhaxaysa Min halka ugu saraysa Wasaaradda ilaa halka ugu hoosaysa iyadoo aan laga tagayn Jaran jarada Maamul ee u dhaxaysa.

Marka laga Tago Wasiir Caddaani waxaa Kale oo Kaanboolka Warfaafinta ku Jooga Digreeto Madaxweyne Wasiirul Dawle,Wasiir Ku Xigeen, Agaasime Guud,Maareeyaha Telefishanka Qaranka iyo Ku Xigeenkiisa Intaasi hadii ay si Wanaagsan u wada shaqeeyaan ma jirayo Wax iska hor imaad ah oo Maamulka sare soo Kala dhex gala.

Marka laga reebo Wasiirul Dawlaha Cusub ee Warfaafinta oo Mudo Kooban Joogay Ma Jiro Xidhiidh Shilis oo u dhexeeya Wasiir Cismaan Saxardiid Caddaani iyo inta ka hoosaysa.

Wasiirku Markuu Xilka la Wareegay Wuxuu Saluugay Qaabka uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi u Guto Shaqada uu u Xilsaaran yahay, Marar badan Wuxuu qaab af ah ugu sheegay dhaliilaha uu u hayo wuxuuna ku guubaabiyey inuu Si Wanaagsan uga soo baxo shaqada uu Wasaarada uga Mas’uulka yahay,hasa yeeshee Agaasimaha Guud oo la rumaysan yahay inuu ka awood haysto Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muu qaadan soo jeedimaha Wasiirkiisa Waxaa nasiib daro ahayd in Wasiirka Warfaafinta, Wasiir Ku Xigeenka,Iyo Agaasimaha Guud ay dhamaantoodba raaceen Weftiyo uu hogaaminayo Gudoomiye Muuse Biixi oo Hawlgalkii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ku soo marayay gobolada dalka,Waxaa halkaas ka Muuqday in Maamulkii Wasaaradu uu ku Milmay Saaxada Siyaasada taas oo la rumaysan yahay in Mid kasta oo ka mid ahi uu Sawirkiisa Tusayay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa Mararka qaar la dareemayay inay isla Socdaan Wasiir Caddaani iyo Ku Xigeenkiisa Marwo Shugri Xariir balse ma aha Mid la isku halayn karo taas oo ay Sabab u tahay nidaamka is bedbedel ee Mudane Caddaani.

Shirarka Maalinlaha ah ee Wasiir Caddaani uu la Yeesho Madaxda Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa Waxaa Weji gabax kala Kulmi Jiray Madaxda Waaxyaha Wasaarada oo Subax kasta Cannaan iyo Cago Juglayn kula qaadan jiray Shirka Wasiirka isla markaana uu Wasiirku ugu Cago Jugleeyo inaanu la dhacsanayn Sida ay Shaqadoodu tahay iyadoo aanay Jirin Mas’uul iska difaaci karaya hanjabaada Wasiirka,Sidoo kale Go’aan kasta oo Wasiirku ka sheego Shirarka Waaxyaha ayaa noqday kuwo aan fulin oo aan dhaafsiisanayn Wakhtiga la fadhiyo Shirkaas uun, Waxay taasi keentay Hal hays ah (Dheg ha u dhigin ee Dhagayso uun Isagaa Gidaarka soo Taabane’e).

Sidoo kale Waxaa Gebi ahaanba baa’abay Wada Shaqayntii ka dhaxaysay Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururada Saxaafada Somaliland Sida Solja oo Wasaaradu u tahay Line Minister Waxaa Markii Kowaad ilaa iyo hada Warbaahinta hadalo Xajiimaysan isu mariya Wasiir Caddaani iyo Gudoomiyaha Solja Mr Xuuto.

Waxaana Sidaa ku Burburay Wada Shaqayntii la rabay in Wasaaradda Warfaafintu la Yeelato Ururka Suxufiyiinta Solja.

Khilaafkii Wasiir Caddaani iyo Agaasimaha Waaxda Farsamada

Agaasimaha Waaxda Farsamadu waa Mas’uul waaxeed hoos taga Wasiirka Warfaafinta Waxaaba lagu Tiriyaa in Agaasimaha Farsamada Axmed Saleebaan-Weyne uu yahay Shakhsiga ugu dhow ee Saaxiibtinimo la leh Wasiir Caddaani,Awoodaha Wasiirka ayay ka mid tahay in Hadii Xafiiska Agaasimaha farsamada hawl muhiim ah loo door biday inuu yeelo amarka Wasiirka laakiin amuurtani wax xidhiidh ah lama laha Colaad uu Wasiirku u qabo Beesha uu ka soo Jeedo agaasime Axmed Saleebaan-Weyne.

Si kastaba ha ahaate Maanta Waxay Weli Wasaaradda Warfaafintu u baahan tahay Mas’uul ka dhigi kara in Wasaaraddani noqoto mid ka Turjunta Shaqada balaadhan ee ay qaranka u hayso.

Ilaahoow Aqoon darana ha nagu cadaabin, Eexna ha nagaga tegin

Waa Qallinkii Suxufi: Maxamed Xasan Faarax