Faallo: Go’doominta Qadar iyo halista Koobka Adduunka ee 2022

 

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunku su’aal iyo shaki toonna masoo dhigin miiska, laakiin wuu jiraa dareenka ah in ay khasab tahay in talo laga yeesho sida uu noqonayo koobka adduunka ee 2022 loo qoondeeyey in lagu qabto waddanka Qadar, haddii ay sii jirto xayiraadda go’doominta ah ee ay dalalka Khaliijku saareen dalka yar ee sida aadka ah ugu tiirsan.

Guddida qaban-qaabada Koobka Adduunka oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyey ee Isniintii hadlay markii waddanka Qadar cuno-qabaynta ay kusoo rogeen dalalka Sucuudiga amarkiisa ku shaqeeya ee Imaaraadka, Masar, Baxrayn, Yemen iyo Liibiya, waxay sheegeen in FIFA iyo waddanka Qadar ay ku wada jiraan qandaraas joogto ah oo aan wakhtigan shaki la gelin karin.

FIFA waxay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay in qandaraas rasmi ah oo ah in lagu qabto Koobka adduunka ee 2022 ah ay ku wada jiraan waddanka Qadar, sidaas daraadeedna qaban-qaabiyeyaasha guddaha ku sugan iyo xubnaha sareba ay eegayaan sida ay ku dhammaato hawshan, waxayna diideen in ay faallo dheeraad ah ka bixiyaan saamaynta cuno-qabataynta iyo haddii ay sii taagnaato oo dalku go’doon noqdo tallaabada ay qaadayaan.

Unugga saamaynta badan ee xidhiidhka kubadda cagta Jarmalka ee magaciisa loo soo gaabiyo DFB, oo ah waddanka haysta koobka adduunka ayaa sidoo kale ka gaabsaday in uu ka hadlo arrinta ka taagan dalalka gacanka, waxaana war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa madaxweynaha DFB oo lagu magaabo Reinhard Grindel uu ku yidhi:

“Waanu dersaynaa xaaladda cusub iyo jewiga adag ee siyaasadeed ee gobolka gaar ahaan waddanka Qadar oo aanu dawladdayada federaalka kala hadlayno.”

Xidhiidhka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA, ayaa iyaguna sheegay in ay si dhow ula socdaan xaaladda kasoo cusboonaatay Qadar, balse ay wali haystaan shan sannadood oo ka hadhsan koobka adduunka ee 2022. Waxa UEFA ay intaas raacisay in ay muddan tahay in xal siyaasadeed la raadiyo intii lagu hanjabi lahaa qaadacaad.

UEFA war-saxaafadeedkeeda waxay ku caddaysay hanjabaad ka dhan ah waddanka Qadar waxaanay tidhi:

“Laakiin mid aanu caddayno. Dunida kubadda cagtu ma ogolaan doonto, in tartan weyn lagu qabto waddan si cad u taageera argagixisada”

Xulka qaranka Qadar waxa uu wali ku hawlan yahay ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka, waxaanay yihiin kuwa ugu hooseeya hormadooda oo la ciyaaray toddoba kulan, ayna ka heleen afar dhibcood oo kaliya. Waxa u hadhay kulamo ay waajihi doonaan South Korea, Syria, iyo China.

Markii ay FIFA u dooratay Qadar sannadkii 2010 in ay martigeliso koobka adduunka ee 2022-ka, waxa soo baxay muran galaaftay madaxdii xidhiidhka oo ay caddaatay in waddankan yar ee gaaska qaniga ku ah uu jeebadda u buuxiyey.

Waxay rajaynayaan in dadka u daawasho iman doona Koobka adduunku ay kor u dhaafi doonaan 1.3 Milyan qof, kuwaas oo intooda badan ay dalalka deriska ah ee hadda xidhiidhka u jaray ay ka iman doonaan, gaar ahaan Sucuudiga oo ah dalka ugu dhow. Laakiin dhacdadan cusub ee soo korodhay ayaa weji cusub keenaysa.

Dalka Qadar wuxuu leeyahay u falan-qeeyaha arrimaha Khaliijka ee Kristian Ulrichsen oo ka tirsan Baker Institute at Rice University ee Houston, USA, ay ku tilmaantay xeebaha Qadar mid ka mid ah badaha ugu deggan bariga dhexe, kaas oo ay ku damaashaadi karaan daawadeyaasha koobka adduunku.

Ultrichsen, waxa uu badka soo dhigay, walaac haysta dawladda Qadar oo ah in ay jiraan dalal kale oo aan wali ka hadhin tartankii ay ugu jireen in iyaga loo doorto martigelinta oo markii hore ay kaga guuleysatay, hase yeeshee, wakhtigan olole u gelaya in laga wareejiyo martigelintiisa. Tani haddii ay dhacdo, khasaare badan ayaa gaadhaya Qadar, maadaama ay dhistay garoomo ay lacag badan kaga baxday, magaalooyin loogu talo-galay dadka dalxiiska u iman doona iyo adeegyo kale.

Simon Chadwick, oo ah macallin arrimaha ciyaaraha ka dhiga jaamacadda Salford University ee waddanka Britain, ayaa aaminsan in loo baahan yahay in la sameeyo qiimayn degdeg ah iyo in la qaado tallaabo dib loogu qorshaynayo martigelinta koobka Adduunka.

Masiibadii ciyaaraha markiiba way dhadhamisay Qadar, waayo naadiga Sucuudiga laga leeyahay ee Al-Ahli ayaa saacado kadib markii dalalka gacanku go’doomiyeen, waxay sheegtay in ay ka baxday heshiis ay kula jirtay shirkadda diyaaraha ee Qadar Airways, kaas oo sannadkii ay ka heli jirtay lacag dhan $ 21 milyan.

Masiibada kale ee ciyaareed ee kusoo socota, waxay noqon doontaa Koobka dalalka Khaliijka oo bisha December la filayo in lagu qabto magaalada Doha, hase yeeshee, dalalkii ay ka qayb-geli lahaaba ay xidhiidhka u jareen Qadar.

Xog Ururiye: Cabdiwahaab Ahmed Abeeye

Tifaftiraha shabakadda ciyaaraha ee www.cadalool.com