Diyaaradaha Qadar waxa laga xidhay marinnada duulimaadyada hawada

 

Dawladda Masar ayaa sheegtay in ay diyaaradaha Qadar ka xidhanayso hawadeeda iyadoo uu sii korayo muranka dublamaasiyadeed, waxaana la filayaaa in Sacuudi Carabiya iyo Baxraynna ay sidaas oo kale sameeyaan.

Dalal badan ayaa xidhiidhka u jaray Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada gacanka ka jirta.

Muwaadiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan.

Qadar ayaa diiday in ay taageerto malayshiyaadka, wasiirkeeda arrimaha dibadduna wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadal aan waxba la kala qarsanaynin oo daacadnimo ku dheehan tahay.

Masar ayaa sheegtay in ay hawadeeda ka xidhanayso Qadar maanta ayna socon doonto ilaa iyo inta amar dambe laga soo saarayo.

Waxaa la filayaa in khalkhal uu ku yimaaddo garoommada magaaalada Dooxa ee caasimadda u ah dalka Qadar maadaama oo ay sii maraan duulimaadyo badan oo u kala socda daafaha caalamka.

Shirkadaha Diyaaradaha ee ay saamaynayso waxaa ka mid noqon doona Qatar Airways, Etihad Airways iyo Emirates.

Haddii diyaaradaha Qadar ay ka weecdaan hawada baaxadda wayn ee dalalka ay dariska yihiin waxay markaas ku qasbanaan doonaan in duulimaadyadu ay qaataan wakhtiyo intii hore ka badan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Maxammed Bin Cabduraxmaan Al Thani ayaa warbaahinta Al Jazeera u sheegay:

“In diyaaradahoodu ay wali awoodi doonaan in dunida u socdaalaan iyaga oo adeegsanaya baddaha iyo hawooyinka caalamiga ah.”

bandhige@gmail.com