Trump wuxu mar kale ku baaqay xannibaad socdaal

President Donald Trump speaks about the U.S. role in the Paris climate change accord, Thursday, June 1, 2017, in the Rose Garden of the White House in Washington. (AP Photo/Pablo Martinez Monsivais)

 

Madaxweynaha Mara ykanka Donald Trump, ayaa u adeegsaday barta twitter-ka inuu mar kale ku baaqo xannibaad socdaal oo dalka Maraykanka laga saaro dadka ka imanaya dalal uu ugu yeerdhay kuwo halis ah.

Trump ayaa sidoo kale cambaareeyey wax uu ugu yeedhay dadaallada “sax ahaanshaha siyaasadeed” ee lagu dabcinayo amarkii koowaad ee uu soo saaray ee uu dalka uga mamnuucay in ay soo galaan dadka kasoo jeeda lix dal oo Muslim ah.

Qoraalka uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxay u dhignayd sida tan:

Waxaan u baahan nahay xannibaad socdaal oo lagu soo rago dalal gaar oo halis ah, balse uma baahnin sax ahaanshaha siyaasadeed ee aan naga caawin doonin inaan difaacno dadkeena.”

Amarkii ugu horreeyey ee Trump ayaa ahaa aanay dalka Maraykanka soo galaan laga mamnuucay dadka u dhashay dalalka ciraaq, Eeraan, Suuriya, Liibiya, Yemen, Soomaaliya iyo Suudaan.

Amarkaas ayaa kadib isbeddel lagu sameeyey, waxaana laga reebay dalka Ciraaq.

Dhowr maxkamad oo federal ah ayaa joojiyey in la hirgeliyo amarka Trump, iyaga oo sheegay inuu xadgudub diimeed oo aan dastuuri ahayn ku yahay Muslimiinta.

bandhige@gmail.com