Gudddoomiye xisbiga Kulmiye wuxu deeq lacageed oo ay talo ka qayb galeen in lagu xakameeyo shuban biyoodka ku wareejiyeen Wasiirka Caafimaadka

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo lacag dhan todobaatan Kun (70,000$ ) oo xisbiga KULMIYE kaga qayb galayo gurmadka Shuban biyoodka ee Burco ku wareejiyay Wasiirka Caafimaadka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay lacagtan ugu talogaleen xisbi ahaan in muddo bil ah lagu bixiyo shidaalka baabuurta iyo gunnooyinka shaqaalaha sida tabarucaadka ah ugu shaqaynaya dadka xanuunsanaya.

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa sheegay inay baahidaaa xisbigu kasoo jawaabay ahayd tii ugu darnayd ee haystay wasaarada Caafimaadka isla markaasna culus badani ka saarnaa arrintaa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com