Markabkii caanka ahaa ee Titanic waxa uu qarqoomay markii uu duqeeyey buur baraf ah oo uu ka baydhi kari lahaa, waxaa la mid ahaa ol’olihii doorashada madaxweynaha ee Hilary Clinton oo isaguna qarqoomay kadib markii uu jiidhay buur qaladaad ah oo la sixi kari lahaa. Burburka ka sokow Titanic iyo ol’olaha Hilary Clinton waxa ay isaga eegyihiin tacabka weyn ee galay dhismahooda iyo sida fudud ee ay u burbureen, tusaale ahaan markabka Titanic dhamaystirkiisa iyo hawlgelintiisu waxa ay qaadatay muddo ka badan saddex sano, laakiin shan maalmood uun kadib markii uu hawlgalay ayaa uu qaraqmay. Hilary muddo sannad iyo badh ka badan ayaa ay dhisaysay istaraatijiyadda iyo nidaamka ol’ole ee doorashada ay ku gelayso, laakiin toddobaad gudihii ayaa uu ku burburay.
Waxaa isbarbar dhigaas aaminsan Buugga dhowaan soo baxay ee ‘Shattered: Inside Hillary Clinton’s Doomed Campaign’ oo ay qoreen labada warfidiyeen ee Jonathan Allen iyo Amie Parnes.
Guuldarradii ay Hilary Clinton ka xanbaaratay tartankii doorashada Maraykanka oo madaxweyne ka dhigtay Donald Trump ayaa inta badan ee dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dunida ku noqotay lama filaan, waayo dhammaan saadaalihii kala duwanaa ee la bixinayey waxa ay isku waafaqsanaayeen in madaxweynaha Obama beddelayaa uu yahay haweenaydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqon doonta Maraykanka.
Inta badan guuldarrada Clinton waxaa loo sibir-saaraa dawladda Ruushka oo loo malaynayo in ay sabab u ahayd jabsashadii email ka Hilary Clinton iyo xisbigeeda dimuqraaddiga, waxa kale oo la sheegaa taliyihii FBI da Maraykanka oo xilli doorashadii maalmo keliyi ka hadhsan yihiin golaha Kongareeska u qoray warqad uu ku sheegayo in uu dib u furayo dacwaddii la xidhiidhay Email kii gaarka ahaa ee ay Hilary Clinton xilligii ay wasiirka arrimaha dibadda ahayd u isticmaashay xidhiidhada shaqada, taas oo noqon karaysay denbi, dad badanna ku beertay fahamka ah in Hilary aanay si hufan u gudan xilkaas, sidaa awgeed ay ku aamini kari waayeen xilka ka sii culus ee madaxweynenimada.
Laakiin labada qoraa ee Allen iyo Parnes waxa ay ku doodayaan in arrimahaas la sheegay ay wax kale u wehelinayeen Hilary, waxa aanay buuggan ku tirinayaan sababo kale oo lagu xidhiidhin karo guuldarradaas.
Buuggan ma’ aan akhriyin weli, waxa se aad ii xiise geliyey maqaal uu ninka lagu magacaabo Michiko Kakutani ku qoray wargeyska New York Times qaybtiisa, ‘Books Of the Times’ maalin ka hor soo bixistii buuggan. Kakutani waxa uu maqaalkiisan ku soo koobaya nuxurka buuggaas, gaar ahaan sababaha isbarkan ee loo tirin karo guuldarradii Hilar Clinton ka gaadhay tartankii doorashada.
Maadaama oo ay Somaliland foodda ku soo hayso doorashadii madaxnimadu, waxa uu maqaalkani igu abuuray dareen ah in ay jiri karaan sababo ah kuwaas Hilary Clinton afka dhulka u daray ee ku xusan buuggan soo baxay 18kii Abriil 2017, oo laga yaabo in murashaxiinta maanta u tartamaya doorashada madaxweynaha Somaliland qaarkood eedi doonaan.
Sidaa awgeed waxa aan soo qaatay qodobbo aan is leeyahay waxa ay casharro bari karaan murashaxiintan iyo dadka kala shaqeeya ol’olaha doorashada, ama cid kasta oo faduuli u hayso in ay ogaadaan guuldarrooyinka xilliga doorashada.
- Waxaa sannadihii u dambeeyey si guud dunida ugu soo badanaya cadhada ay dadku ka qabaan in xukunka iyo dhaqaaluhu uu dad kooban uun gacantooda ku ururo, oo uu noqdo qori isudhiib, sida xisbiyo la yaqaanno iyo kooxo isku xidhan ama isir wadaag ah oo hadba midi yimaaddo kursiga.
Waxaa la aaminsan yahay in cadhadani qayb ka tahay sababaha dadku u doorteen Trump oo aan weligii dawlad u soo shaqayn nidaamkii siyaasiga ahaa ee dalkana aan ku jirin. Sida oo kale waxa ay sababeen in dunida ay ka bilowdaan dabaylo isbeddel doon oo codbixiyaha u xiiso gelinaya in ay taageeraan murashaxiinta ay u arkaan in nidaamka dawladnimada aanay ku soo jirin iyo in dad badani kaba niyadjabaan guud ahaanba codayntaba.
- Habdhaqanka hore ee siyaasiga ah oo xumaada iyo in uu shaqada qaranka u maamulo sida shaqadiisa gaarka ah ayaa dhaawac ku keenta sumcadda iyo taageerada dambe ee murashaxa. Waana ta ka raacday Hilary Clinton email kii gaarka ahaa ee ay u isticmaashay shaqada dawladda.
- Murashaxa oo waqti ku lumiya hawlihiisa gaarka ah, sida ganacsigiisa ama hay’ado kale oo uu ku lug leeyahay, waxa ay abuurtaa dareen ah in dadku ka aaminaan in aanu hadhowna u gacan bixi doonin shaqada qaranka oo waqti iyo maskax furan u baahan iyo mid ka sii xun oo ah in uu isku qasi doono dantiisa iyo danta qaranka. Waana ta ku dhacday Hilary Clinton markii la ogaaday in iyada oo wasiirka arrimaha dibadda ah ay haddana faraha kula jirtay hay’adda loogu magac daray odaygeedii madaxweynaha ahaan jiray ee Clinton Foundation.
- In Murashaxu uu dadka cid gaar ah ka doorto, sida maalqabeenka oo uu si gaar ah oo muuqata u soo dhoweysto ama dadka isku tiriya haldoorka / labeenta bulshada oo uu hoosta soo gashado, ayaa ka mid ah sababaha keena in dadka inta kale oo dabcan inta badan ahi ay ka fogaadaan. Waxa aana cashar inoogu filan cadhadii dad badani ka qaadeen khudbaddii ay Hilary Clinton sida gaarka ah ugu jeedisay bangiyada ganacsiga ee Wall Street.
Arrimahaasi waxa ay xoojiyeen shucuurta marka horeba dadka ka dhex guuxaysay ee ahayd kalsoonidarrada ay ku qabeen nidaamka dawladeed.
- In murashaxu uu sheegi kari waayo, sababta uu xilka u doonayo iyo hab macquul ah oo uu dadka ku tuso in uu yahay qofka ku habboon xilkan ayaa ka mid ah sababaha guuldarrada. Waxaa qalad ah in murashaxu uu xoogga saaro uun dhaliisha murashaxa la tartamaya, isaga oo aan dadka tusayn waxa uu kaga wanaagsan yahay isagu.
Waana dhibta ku dhacday Hilary Clinton markii ay ku fashilantay in ay soo bandhigto aasaaska iyo ujeedada maangalka ah ee ol’olaheeda. Iyada oo xoogga saartay keliya in ay dadka u sheegto ceebaha ninka la tartamaya iyo in ay ka duwantahay ninka la tartamayey ee Donald Trump, balse aan sheegin sida ay uga duwan tahay.
- In murashaxu uu hawlwadeennada ku doorto dhegonuglaan iyo in ay yihiin dad aan erey soo celinayn. Sida buuggan lagu qoray Hilary waxa ay hawlwadeennadeeda ku xulatay dhegonuglaanta iyo hiinraacnimada, halkii ay ka ahayd in ay ku doorato xirfad, aqoon iyo karti. Waxa aanay taasi caqabad ku noqotay nidaamkii shaqo, maadaama oo shaqaalihii ay ka gabbanayaan in ay runta u sheegaan cidda ka sarraysa ama awoodda leh. Waxa kale oo ay abuurtay in masuuliyiinta ol’olaha uu dhex maro tartan ay kala hororsanayaan xidhiidhwanaagga Murashaxa iyo madaxda kale ee ka agdhow. Sababahaasi waxa ay keeneen jaahwareer, loollan gudaha ah iyo in dadkii shaqo-wadaagta ahaa kala cadhoodaan ama uu xintan soo dhexgalo.
- In murashaxu uu hawlaha maamulka iyo maaraynta ol’olaha gacantiisa ku soo koobo, go’aamada oo dhamina isaga uun ku xidhnaadaan, ama cid gaar ah oo awood dheeraad ah ka haysata murashaxa. Sida ay labada qoraa ee Allen iyo Parnes inoogu sheegayaan buuggan qaladaadka ay Hilary Clinton samaysay ee ka mid ah sababaha guul darradeeda waxaa ka mid ah kooxda la shaqaynaysay oo taladii ka dhigay mid urursan oo kakan. Masuuliyiinteeda ol’olaha ee iyada awoodda gaarka ah ka haystay waxa ay dhiirrigeliyeen in uu abuurmo jawi dadku u tartatamaan daacadnimadeeda iyo ka agdhowaanteeda iyo in mar kasta indhaheeda loo muuqdo, ujeedadooduna tahay keliya in mustaqbalkooda shaqo (Marka ay madaxweyne noqoto) ay xasiliyaan, taas oo ay kaga mashquuleen ka shaqaynta guusheeda.
- In murashaxu dadaalkiisa ku soo koobo raalli gelinta cid gaar ah oo uu ogyahay in ay codkooda siinayaan, halkii ay ka ahayd in uu qanciyo kuwa aanu hubin in uu cod ka helayo, ama weli ka walaacsan in ay cod siiyaan laakiin aan go’aansan in ay u codeeyaan cidda la tartaramaysa. Buugga oo sida warbixintan qoraagu ku sheegayo ka waramaya qaladkan ayaa sheegay in ol’olaha Clinton uu ku fashilmay in uu dadaal geliyo qancinta codbixiyeyaasha markaas weli aan go’aan gaadhin iyo xitaa dadka aragti ahaan ka soo horjeeday iyada. Arrintaas beddelkeeda Hillary Clinton waxa ay xoogga saartay in ay qanciso dadka aasaas ahaan u taageersanaa ee mar kasta in ay u codaynayaan iska caddayd.
- Murashaxiin badan ayaa ay sababta guuldarradoodu noqotaa qalad dhinaca xidhiidhka dadweynaha ah oo ay ku kaceen, gaar ahaan qaabka ay ula macaamilayaan dabaqadaha kala duwan ee bulshada. Waxaa qalad ah in murashaxu sida marar badan dhacda, isku dayo in uu soo dhoweysto aqoonyahanka, ganacsatada iyo labeenta bulshada, isaga oo illowsan ama is illowsiinaya in qaybta uu bulshadii ka tegey oo ah, muruqmaalka, dadka faqiirka ah iyo maatadu ay yihiin kuwa ugu badan ee codeeya.
Hilary Clinton ayaa uu qaladkaas oo kale ku dhacay, oo waxaa uu buggani ku canaanayaa in ay isku ururisay bulshada intii haldoorka isku tirinaysay, waana sababta dadkii dabaqadaha hoose ee weligoodba xisbigeeda u codayn jiray u qaybisay kuwo aan codayn iyo kuwo cadhadii u codeeyey xisbiga kale.
- Murashaxu waa uu eedaa haddii uu la bakhaylo kharashka ku baxaya baahinta iyo faafinta olo’olihiisa, sida isticmaalka warbaahinta kala duwan. Waayo waa habka keliya ee uu guri kasta ku gaadhi karo isaga oo aan isagu tegin.
In kasta oo ay ol’olaha Clinton ku baxday kharash ka badan ka uu bixiyey maalqabeenka la tartamayey ee Donald Trump haddana waxa uu buuggani ku eedeeyey bakhalynimo, waayo waxa ay kharash u huri weyday isgaadhsiinta noocyadeeda kala duwan ee farriinta gaadhsiin lahaa dadka aan soo gaadhi karin ama ku nool deegaannada ka fog meelaha uu ol’olaheedu ku xoog badan yahay.
- Is-macaashsiintu waxa ay dishaa guusha: Haddii sida in badan dhacda uu murashaxu isku koobo, in uu ku qanco tiro-koobyada warbaahinta iyo hay’adaha kala duwan ee rasmiga ahii samaynayaan, iyo tirada kombiyuutarrada diiwaangelintu ka soo saarayaan deegaannada uu codka ka filayo, waxa ay u badan tahay in uu khasaarayo.
In deegaannada aad codka badan ka filayso, aad tirada dadka iska diiwaangeliyey u qaadato in aad adigu iska wada leedahay waa qalad.
- Qaladaadka Hilary Clinton ee ay labadan qoraa buuggooda ku sheegeen waxaa ka mid ah in, guddoomiyaha ol’olaha Clinton Roby Mook uu isku koobay gorfaynta iyo falanqaynta xogaha rasmiga ah ee codbixiyeyaasha. Waxa aanu dhayalsaday hababkii kasbashada codbixiyaha loo mari jiray ee soo jireenka ahaa, sida in albaabbada la garaaco, iyada oo la isku dayeya in la qanciyo dadka aan iyagu weli go’aansan qofka ay u codaynayaan, ama dad laga yaabo in ay murashaxa taageersan yihiin laakiin aan xamaasad u qabin in ay safka codbixinta galaan, ama ay dhici karto in maalinta cod bixinta ay ku faafaan danahooda gaarka ah.
- In Qaladka la sixi waayo waqtigiisu waa mid ka u dambeeya sababaha guuldarrooyinka murashaxa ee qormadan aynu ku soo qaadanayno. Murashaxu waa in uu si hoose ula socdo shaqo-wanaagga iyo nidaamka maamul ee hawlwadeennadiisu arrimaha u wadan, shaqaalaha u hawlgelinayaan, dhaqaalaha u maamulayaan, hawshana isugu dubaridayaan. Haddiiba uu murashaxu hawlwadeennada ol’olaha ka ogaado qaldaad waxa uu ku qasban yahay in aanu dib u dhigan, ee uu isla marka ugu horreysa tallaabo ka qaado. Haddii kale waxa ku dhacaysa arrinta ay eedday Hilary Clinton ee ahayd, in sida buuggani uu sheegayo, ay indhaha ka qarsatay qaldaad badan oo madaxa ol’olaheeda ee Mook uu sameeyey.
Xigasho: Geeska Afrika.
bandhige@gmail.com