Facebook waxay dib-u-eegis ku samaynayaa qaabka ay ula tacaalayaan falalka la xidhiidha rabshadaha

 

Shirkadda Facebook ayaa billawday in ay dib u eegto sida ay ula macaamisho waxyaabaha rabshadaha la xidhiidha ee la soo galiyo Facebook.

Ku dhawaaqitaankan ayaa yimid kadib markii Axaddii Facebook-ga lagu baahiyay muuqaal qof la dilayay, isla markaasna uu ku sii jiray in kabadan labo sacaadood.

Masuul shirkadda u hadlay ayaa waxay sheegeen:

“In ay ogyihiin in ay u baahan yihiin in ay arrintaas wax ka qabtaan.”

Booliiska ayaa wali raadinaya Steve Stephens oo 37 jir ah oo soo bandhigay muuqaal uu ku weerarayo Robert Godwin oo 74 jir ah.

Stephens ayaa markii dambe Facebook toos u soo galay si uu faahfaahin uga bixiyo dilka uu gaystay, isaga oo sheegay in uu 13 ruux dilay, inkastoo booliisku ay sheegeen in aysan ogayn dilal kale oo dhacay.

Shirkadda Facebook ayaa dhaleecayn kala kulantay wakhtiga uu muuqaalkaasi ku sii jiray hawada.

Justin Osofsky oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka Facebook ayaa sheegay in ay dib u eegayaan qaabka soo gudbinta cabashada, si ay dadku u awoodaan in ay sida ugu dakhsaha badan shirkadda ugu wargaliyaan muuqaalada iyo waxyaabaha kale een shuruucda Facebook waafaq-sanayn.

Wuxuu sheegay in muuqaalka koobaad uusan qofna cabasho ka soo gudbinin, Muuqaalka labaad ee rasaastu ay ka muuqatayna ay cabasho ka soo gaadhay markii uu khadka ku jiray 1:45 daqiiqo.

Midka saddexaadna ay cabashadu soo gaadhay markii uu dhammaaday muuqaalkii uu ninku sida tooska ah u baahiyay ee uu ku sheeganayay dilka.

bandhige@gmail.com