Trump wuxu hambalyo u diray Madaxweyne Erdogan kadib guushii uu ka gaadhay aftidii dastuurka wax laga bedelay

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaadhay aftidii Axaddii, taasi oo siinaysa awoodo cusub.

Madaxwayne Trump oo khadka taleefoonka kula hadlay Erdogan ayaa wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay taageeradii ay Turkiga taageereen weerarkii gantaalada ee ay Maraykanku ku qaadeen saldhigyo ay dawlada Suuriya leedahay .

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad Isniintii, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu kala hadlay dhigiisa Turkiga talaabadii ay Maraykanka uga jawaabeen hubkii kimikada ahaa ee la sheegay in ay isticmaashay xukuuumada Suuriya 4 Abriil.

Bayaanka ayaa lagu yidhi:

“Labada hoggaamiye waxa ay isku raaceen muhimada ay leedahay in lala xisaabtamo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.”

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxda isku magacowday Dawladda Islaamka.

Aftida dalka Turkiga ayaa, 51.4% cod bixiyayaasha waxa ay taageereen isbadalka lagu samaynayo dastuurka dalkaasi oo awoodo badan siinaya Madaxweynaha Turkiga una saamaxaya in uu marar kale isa soo sharaxo.

Erdogan ayaa beeniyay canbaarayn uga timid kormeerayaasha caalamiga ah oo sheegay in uu ol’olaha aftida ku galay dhaqaalaha dowlada islamarkana qolyaha ka soo horjeeday isbadalka aysan helin fursad midaasi la mid ah.

Kormeereyaasha aftidana wuxuu ugu jawaabay “Shaqdiina waa in aad garataan,”.

Gudiga doorashada ayaa mid sax ah ku tilmaamay guushii dirqiga ahayd ee uu gaaray Erdogan, inkastoo ay jireen eedeeymo wax isdaba marin ah oo ay soo jeedinayeen mucaradka.

Dhanka kale, xukuumadda Turkiga ayaa kordhisay waqtiga xaaladda degdega ah ee dalkaasi la saaray. Xaalada degd ega ah ayaa la soo saaray ka dib afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay bishii Juulaay ee sannadii hore.

 

bandhige@gmail.com