Fadhigii Golaha Guurtidda JSL oo u Baaqday Kooram la’aan

Hargeysa – Fadhigii Golaha Guurtidda ee saaka ayaa baaqday kadib markii kooramka fadhigu u buuxsami waayay.

Kooramka Goluhu wuxuu ku furmaa 42 Xildhibaan oo ah kala badh mudaneyaasha Golaha.

Guddoomiyaha Guurtidda Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in lacagta gunada ah laga jaro xildhibaan kasta oo segsaaga fadhiyada golaha.

Kalfadhiga 83-aad ee Golaha Guurtidda waxa horyaala ajande xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xeerka doorashooyinka.