Wafti ka socda Hay’addaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay hoggaaminayso Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda…..

Wafti ka socda Hay’addaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay hoggaaminayso Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Rooda Jaamac Cilmi oo in muddo ah safar shaqo u joogay magaalada Nairobi ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta Safaarada Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya oo ugu horreeyo Ambassador Mohamed Ahmed Barawaani, Safiir kuxigeenka Sharmaake Geele iyo masuuliyiinta kale ee Safaarada.

Wasiirka oo ay kulanka ku wehelinayeen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Commissioner ka socda Guddida Maamul Wanaaga. Kulanak ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin reer Somaliland oo shaqo u jooga dalka Kenya kana socda Hay’addaha Gargaarka Bini’aadnimada, Ganacsato iyo xubno kale oo ka mid yahay Agaasimihii Guud ee Horre Cabdillaahi Maxamuud Jiidhe.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray hawlaha shaqo ee Waftigu u yimid dalka, xidhiidhka dublamaasiyadeed iyo ganacsiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal. Xubnaha Waftiga ayaa sidoo kale u mahadnaqay masuuliyiinta Safaarada Somaliland ee Kenya shaqooyinka muhiimka ah ee dalkooda u hayaan.

 

Warbaahinta Xafiiska