Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Hay’addaha Ka Hawl-gala Gudaha Dalka

WAR-SAXAAFADEED: 28/05/2020

 

Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Hay’addaha Ka Hawl-gala Gudaha Dalka

 

Fadhigii 59aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici) waxa ay warbiximo kaga dhagaysteen Guddida ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19, guddida nabadaynta shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Fadhi-gaab iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ugu horrayn guddida nabadaynta shaqaaqadii dhexmartay dadka walaalaha ah ee deggan deegaanka Fadhi-gaab ee degmada Gar-adag, ayaa xusay in ay meel wanaagsan u marayso nabadayntii beelaha walaalaha ah, ayna dhawaan soo afjari doonaan, dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida COVID-19, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay ka guddi ahaan isagoo xusay in shaqadii loo igmaday ay meel fiican u marayso ayna qabteen hawlo badan oo muhiim ah.

 

 

Waxaanu xusay Madaxweyne ku xigeenka inay go’aansadeen inay dadka danyarta ah ee reer Somaliland ay taakuleeyaan, isagoo sheegay in toddobaadka soo socda ay raashin gaadhsiin doonaan qoysas gaadhaya 40,000 oo qoys. Dhinaciisa wasiirka horumarinta caafimaadka ayaa ka warbixiyey  in ay dedaal badan ka muujiyeen sidii ay ula tacaali lahaayeen xakamaynta xanuunka COVID-19, waxana uu sheegay in ay gobollada dalka ku diyaariyeen goobihii lagula tacaali lahaa dadka uu xanuunkaasi soo rito, geesta kale wasiirku waxa uu sheegay inay gaadhsiiyeen Cusbitaallada dalka agabka hortagga xanuunka COVID-19 oo ku filan muddo 3 bilood ah, sidoo kalena xarumaha caafimaadka degmooyinka dalka ay u qaybin doonaan agabka loo isticmaalayo ka hortagag xanuunka COVID-19.

 

Waxaanu wasiirku golaha wasiirada ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii loo wajihi lahaa la dagaallanka xanuunka COVID-19, sidoo kale waxa uu xusay inay muhiim tahay in shacabka Somaliland ay qaataan talooyinka lagaga hortago xanuunkan.

 

Sidoo kale, wasiirka wasaraadda qorshaynta iyo horumarinta qaranka ayaa golaha uga warbixiyey in Somaliland ay ka socdaan mashaariic ay wadaan hay’adaha caalamiga ah, waxana uu tilmaamay inay jiraan hay’ado dalka si dhuumaalaysiya isugu daya inay ka fuliyaan mashaariic uu ku lammaan yahay magaca  Soomaaliya, taasoo xad gudub ku ah qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland dood dheer ka yeesheen qaabka loo wajahayo hirgalinta guud ahaan mashaariicda laga fulinayo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay ay go’amiyeen.

 

• In ay reebban tahay in hay’ad aan dalka ka diiwaan gashanayni ay mashaariic ka fuliso gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

• Waxa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka la faray in ay diiwaan galiso dhammaan mashaariicda dalka ka socda isla markaasna ay hubiso inay waafaqsan yihiin shuruucda iyo habraacyada u degsan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

• Dhamman Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda waxa la faray in aanay aqbalin fulinta mashruuc aan waafaqsanayn sharciga iyo habraacyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland u degsan.

 

• Golaha Wasiiradu waxa uu go’aamiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qeyb geli karto oo keliya shirarka  lagu soo marti-qaado iyadoo ah qaran madax-bannaan oo aan cidna ku lammaanayn.

 

Ugu danbeyn waxa Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland  uu beesha caalamka, Midawga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u caddaynayaa in ay gardarro iyo gabbood-fal tahay waraaqda ka soo baxday Xamar ee lagu xusay  waxa loogu yeedhay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya  degaamada Somaliland. Waxana goluhu caddaynayaa in dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Xamar aanay metelin shacabka iyo Dawladda Somaliland balse  ay yihiin dad shaqo iyo nolol si iskood ah uga raadsaday Muqdisho, waxana  Jamhuuriyadda Somaliland siyaasad ahaan iyo dawlad ahaanba ay wakiilatay goleyaasha kala duwan ee qaranka kuwaas oo loo igmaday  xaqiijinta himilada shacabka Jamuuriyadda Somaliland.

Bandhige@gmail.com