Illeyn hadal ‘Ax’ ma yidhaa, Damiir dhinteyna ma xishoodo! (WQ: Prof. Naasir Maxamed Cali)

 

Wuxu yidhi: โ€œHooyadeen Indho-laโ€™aan ma ku ogeyd? ‘Haa’ ayuu ugu jawaabay! Wuxu yidhi, ‘Dad-cunnimana ku darsatayโ€. Imika nimankii Wallo-Weynta ahaa ee dus-duska iyo khiyaamada yaqaanay, hadda waxay ku darsadeen inay taariikhda been ka sheegaan oo marin habaabiyaan.

Waxaan jecelahay inaan yara tixraaco nin taariikhda been ka sheegay iyo halgankii xornimo-doonka Soomaalida. Wuxu qoray sidan:

โ€œSomalia manta waxay taagan tahay intii u dhaxeysay 1950-1960-kii. Dastuur ayaa la Qorayey, G/Waqooyi ayaa la raadinayey, US Special Envoy ayaa jiray Ciidamo Qaran ayaaa la dhisayey Asxaab ayaa la sameynayey. Manta intiiba wa jirtaa. Sow waqtigas dib looguma noqonโ€.

Xilligaa uu sheegay inankaasi waxa jiray Shan Soomaaliyeed oo hoos tagaysay afar nidaam oo kala duwan:

1. British Somaliland Protectorate (Britain)
2. French Somaliland (France)
3. Somalia Italiana (UN Trusteeship)
4. Northern Frontier District (Britain)
5. Soomaali Galbeed oo aanu u naqaanay โ€˜Hawd & Reserve Areaโ€™ loona yaqaanay sidoo kale โ€˜Ogaadeenโ€™ (1950โ€“54 Britain; 1954โ€“present Ethiopia).

Taariikhda uu Inankaasi ka hadlay ee 1950-1960, waa taariikhda ay Italian Colony of Somalia ay ku jirtay gacanta Qaramada Midoobay (UN Trusteeship) sida maantaba loo maamulo ee loo haysto. Waxyaalaha uu ka been sheegay waxa ka mid ah; Ciidan Qaran. Waligood may yeelan Ciidan Qaran, marka laga reebo Bileys loo dhisay oo aynu ognahay wuxu isu bedelay markii laysku darsaday dalalka iyo dowladdaha 1960-kii, waxana ka tirsanaa dadkaasi Bileyska loo qoray Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Arrinta ah ‘Gobolada Waqooyi’, horta ma jirto wax la yidhaa ‘Gobolada Waqooyi’ oo xilligaa jiray, waxa jirtay British Somaliland Protectorate. ‘Waqooyi Galbeed’ na waa magacyada soo shaac baxay isku-darsigii ka dib, kuna ekaa kala-bixistii dhacday 1991. Xaqiiqada jirtaana waa inaanu jirin wax la yidhaa ‘Waqooyi’ wixii ka dambeeyay burburkii dhacay January 1991. Bal ummadda u sheeg ‘Gobolada Waqooyi’ ee jiray iyo halkay ku qoran tahay iyo sababta loo isticmaalayay, illayn isticmaalka magaca sababo ayaa keenee.

Waxaan aad ugu qoslay, wuxu yidhi: โ€œGobolada Waqooyi ayaa la raadinayeyโ€! Yaa raadinayay? Bal nala wadaag hal qof oo dareen iyo ficil ku cabbiray raadintaasi aad sheegtay? Hal gabay amaba geeraar oo aad kaga hadlaysaan wadajir iyo midaw ma laga hayaa Somalia Italiana? Haddaad raadinaysay ‘Gobolada Waqooyi’, maxaa loogu hayay kooxdii Xamar tagaysay ee midnimada u socotay (aakhirka 1950-yadii) magaaladda Gaalkacayo muddada ku siman bisha ee loogu diidanaa inay gaadhaan Xamar? Markii dambena damiinka lagu sii daayay.

Taasi waa markhaati cad oo muujinaya inaanu dareen Soomaalinimo oollin Xamar, dadkii qiiraysnaa ee nimankaa UN Trusteeship ka saara lahaa ay ahaayeen uun Reer British Somaliland.

Taariikhda been ha ka sheegin oo ha marin habaabin. Arrinta Axsaabta bal ummada Afka Soomaaliga ku hadasha la wadaag hal Xisbi oo ka jiray Somalia Italiana oo wax dood Soomaalinimo ah ka shaqaynayay marka laga reebo (SYL) oo aad dhalan rogteen taariikhaha kala duwana u samayseen, xaga say Soomaaliland ka lahayd: NUF, SNL, & USP oo dhammaantood ahaa Axsaab metelaysay dadkii iyo dalkii ay ka dhex dhisnaayeen kuna dhisnaa dareen shacab.

Ma haysaa hal dhacdo oo weji-gabax ku noqotay gumaystaha oo ay ku kaceen Somalia Italiana, marka laga reebo in lagu beero wabiyada lagana mamnuuco inay galaan amaba ag maraan meelo ka tirsan Xamar. Somaliland marna kamay suuragalin taasi iyo wax la mid ahi toona. Marka laga reebo gacan-ka-hadal, dhacdadii dhex martay Suldaanadii Reer Hargeysa ee Ilma Diiriye iyo Colonial Governor-kii, bal nala eeg iyo siduu uga haybadaysan jiray una hogan jiray markay la hadlayaan, uguna khasbi jireen inuu geedkooda ugu yimaado.

Taariikh aanad lahayn ha samaysan. Soomaali taariikh kuma lihid halgan iyo gumaysi iska kicin, taariikh dhisid iyo isu keenis midna. Waxaad kaga jirtaa baal madow oo ah kaasi maanta inta nooli ay markhaatiga ka tahay, iyadoo lagu jiro Qarnigii 21aad aad maganta u tahay cadow shisheeye oo aan dan kuu hayn.

Soomaalidu waxay tidhaa: โ€œCeebtaada oo ay Kow ogtahay, Kun looma sheegoโ€. Kuma lihid ummadda Soomaaliyeed taariikh leh dhadhan Soomaalinimo, ficilkaaga ayayna ka muuqataa ee gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane.

Waxaan kaaga tagayaa Maansadii Daba-Taxan ee soo baxday 1997 iyo Marxuum Macallin Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Illaahay godka haw nuuree ee ahayd:

Dal waxaan ku noolahay,
Runtu arag darraysoo,
โ€œDaaddihi!โ€ la yidhi been.
Hadday dunida ceeb tahay,
Dus-duskiyo khiyaamadu,
Noo dabeecad weeyaan.

Illaahay Runta & Xaqiiqada ha idinku soo dabbaalo.
Nasir M. Ali