Xadiis waa kalmad af-carabi ah asal ahaan, xagga luuqadda carabiga waxa ay ku noqotaa sida ku sugan qaamuuska la yidhaa โLisaanul-Carabโ shayga ama waxa cusub oo ah ka soo horjeedka waxa qadiimka ah, sidoo kale hadalka waa la yidhaa xadiis kiisa yar iyo kiisa badanba, wadar ahaanna waa axaadiis hadallo ama warar.
Kalmadda xadiis xagga eray bixinta culimada agtooda ย waxa la yidhaa โWax kasta oo loo sugo ama lee celiyo Nabi Maxamed NNKH, oo hadal, fal iyo ficil ah, wax agtiisa lagu sameeyay oo uu sugay ah, ama tilmaan dhaqan ama abuur oo uu leeyahay ah ayaa xadiis la yidhaa.
Qeexidda eray bixinta:
Odhaah iyo fal waa iska caddahay macnaheedu balse wax uu sugay maxaa looga jeedaa; waa arrimaha muhiimka ah ee aan u soconee, waa in cid ay tidhaa odhaah ama fal Nabi Maxamed agtiisa, deeto aanu Nabi Maxamed NNKH, ku diidin, ama aan hortiisaba lagu samayn se ay soo gaadhay arrini oo uu ka aamusay, aamuskiisaasi wuxu noqonayaa ama uu qaadanay tilmaanta ah in uu sharci inoo yahay , maxaa yeelay Suubbanaheenna Maxamed NNKH, ma jideeyo arrin aan sharci ahayn.
Tilmaanta ah dhaqan ahaan yadna waxa looga jeedaa dhaqannadi Suubbanaheenna Maxamed NNKH, uu ku tilmaannaa sida in uu ahaa dadka ka ugu deeqsisan, ka dadka ugu geesisan, ka isku-dhuldhigga badan dadka, gaar ahaan fuqarada, masaakiinta carmasha iyo agoonta. Sidoo kale ugu waynaa xagga dulqaadka iyo cafiska, isaga oo awoodda in uu aargoosto, dhaqan wanaaggiisii ayaa ah tilmaamihiisa layaabka leh. Waxa ay noqonayaan qaar sharci ahaan u sugan maaddaama uu ku tilmaannaa ergaygii Alle SWT, iyo kii Alle ka dhigay ka ugu khayrka badan makhluuqiisa.
Tilmaanta ah ย xagga abuur ahaan, iyaduna waxay noqonaysaa sidii Ilaahay SWT, u abuuray Xabiibkeennii Muxammed NNKH, ahaanshaha uu ahaa mid wajigiisu cad yahay, in aanu ahayn dherar xad ka bax ah iyo gaabni sii dunsan, se uu ahaa dhexdhexaad, markuu talaabsanayo aad mooddo sidii qof degdegaya ama ka soo daadagaya meel sare.
Xadiisku macnaha sidan wuxu ku noqonaya ka loo yaqaan โMarfuucโ ama mid loo tiiriyay Nabi Maxamed NNKH, waana sida ay ku tageen in badan oo ka mid ah culimada xadiiska aqoonta durugsan u leh, kutubtoodana sidaa ayay ku qoreen, halka culimada qaarna ay tilmaameen in xadiiska qeexitaankiisa ay soo galayaan hadallada Saxaabada Rasuulka iyo Taabiciinta iyo falalkii ay sameeyeenba.
Xadiis waxa xidhiidh ย la leh oo mudan in la fahmo in bandanna qofku uu ku arki karaa marka uu dhex galo aqoonta balaadhan ee cilmu xadiiska kalmadahan ย oo mid walbaaba u baahan dul istaag se aynu tilmaam uun aynu ku dhaafi doonno, Khabar, Athar, Sunnah, Matni, Sanad, Isnaad, Musnad, Musnid, Muxaddith, Xaafid, Xuja, Xaakim.
Mabaadiโda aqoon walba laga rabo:
Qaybaha Cilmiga ama aqoonta xadiithku iyadoo qaybo baddan ka kooban kuna xidhan hadba meesha laga istaago ayaa labba qaybood oo waawayn ay u qaybsamaan
1- Cilmu diraaya:- Waa cilmi koobsanaya dhammaan cilmiga la yidhaa cilmu musdax.
2- Cilmu riwaaya:- ย Waa cilmi koobsanaya dhammaan waxa laga soo tebiyey Nabi Maxamed nooc walba.
Mawduuca uu ka hadlaa waa odhaahahii, falalkii waxyaallihii uu sugay iyo tilmaamihiisii. Faaโidada, waa in laga dheeraado gefafka iyo waxyaallaha aan ka sugnaan Nabi Maxamed in la garto sida loogu dayanayo falalkiisii iyo tilmaamihiisiiba.
Fadligiisa, waxa uu ka mid yahay aqoonta kuwa ugu mudan, ugu sarreeya sharaf ahaan, maxaa yeelay waxa lagu dhisaa dhammaan axkaamta shareecada, sidoo kale waxa lagu caddeeya aayaadka Quraanka ah wixii ay si guud mar ah u sheegaan in lagu balbalaadhiyo laguna tilmaamo muraadka Alle.
Ciddii ugu hor qortay waa Maxammed binu shihaab, sheekhii bukhaari, waxa la tilmaamaa in uu ahaa ciddii ugu horraysay ee si guud ah u qorta ama u ururuisa axaadiista Nabi Maxamed NNKH.
Xukunkiisa waa waajib kifaaโi ah
Ujeeddada laga leeyahay waa in la guulaysto labada daarood, cidda ka hanuun dhigata kuna dhaqanta waxa ku qoran. Maxaa yeelay waa qaybta labaad ee waxyiga.
Intan haddii qofka akhriyaa uu si fiican u fahmo waxaan rajaynayaa in Alle ku kaalmeeyo fahamka guud ee la xidhiiska, aqoonta balaadhan ee cilmiga xadiiska gaar ahaan suโaasha ah waa maxay xadiis?
Xigasho:
– Hordhaca kitaabka tadriib-raawi,
– Kitaabka Aclaam warqadda 16aad iyo wixii ka dambeeya,
– Kitaabka Naaqid: Warqadda 8aad iyo wixii ka dambeeya. Dr. Xusayni kitaab uu ka qoray Imaam Bukhaari warqadda 8aad iyo wixii ka dambeeya.
W/Q: Xamse Maxamed Cali.