Soomaalida Geeska Afrika ku nool iyo Soomaalida ku nool Soomaaliya dii Talyaanigu gumaystay maxay ku kala duwan yihiin? Soomaalida Soomaaliya imisa Af ayey ku kala hadashaa, imisa lahjadood oo kala duwan ayey leeyihiin? Imisa midab ayey kala leeyihiin? Dhaqanka sidee ayey ugu kala duwan yihiin? Taariikhahooda bulsho halkee ayey ku kala arooraan?
Iswayddiinaha kan waxa kaa ga soo dhex bixi doonaa jiritaanka kala duwanaanshiyo ee Af, dhaqan iyo isir oo Soomaalida Soomaaliya ku keli ah. Haddii Soomaalida Soomaaliya ay sidaa u kala Af iyo dhaqan duwan tahay Soomaalida Geeska Afrika ku nooli iyana sidee ayey tahay? Waxa aynnu ognahay in Soomaalida Itoobiya, Soomaalida Kenya, Soomaalida Somaliland iyo Soomaalida Jabuuti ay hal Af ku wada hadlaan. Afkaasi waa Afka Soomaaliga oo aan sina u sillaneyn.
Waxa intaa dheer in Soomaalida Soomaaliya ay suugaanta Afku qalliil ku tahay oo ay noloshooda ku yar tahay. Waxa kale oo aynnu ognahay in dhaqanka hoggaanku aannu qiimo badan ku dhex lahayn noloshooda caadiga ah. Halka Soomaalida kale ay tahay ummad suugaanta Afkooda aad ugu wanaagsan. Dhaqan ahaan na leh taariikh hoggaan oo ku abtirsata is-xukun ummadeed oo qabiil iyo abtirsi salka ku haysa. Waxa intaa dheer kala duwanaansho midab. Intan oo la sii wadwadaa waxa ay inna dhaxalsiin doontaa in Soomaalida halkaa ku nooli ay kala Af, isir iyo dhaqan duwan tahay. Dabcan ummadnimadana waa lagu kala duwan yahay markaa.
Mohamed O. Hagi Mohamoud