Faallo: Ololaha jagada Madaxweyne-ku-xigeenka Kulmiye oo xoogaystay, Xaglo-toosiye oo laga baqayo in uu cidhiidhyo Saylici

Iyadoo ay u muuqato in lagu kala calaf-qaaday ololihii murashaxa madaxweynenimada Kulmiye ayaa hadda waxa xoogaystay oo cirka isku shareeray loollankanka ku-xigeenka Madaxweynaha oo sida muuqata ay ku tartami doonaan Wasiirka Caafimaadka Xaglo-toosiye iyo Madaxweyne-ku-xigeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici.”

Ololahan maalmihii ugu dambeeyey waxa aad loo dareemay Hargeysa, gaar ahaan marfishyada lagu qayilo iyo maqaaxiyaha lagu qaxweeyo oo ah meelaha ugu badan ee siyaasadda lagu hadal-hayo iyadoo dardarta Xaglo-toosiye ay ka kululaatay sidii la saadaalinayey.

Madaxweyne-Xigeen Cabdiraxmaan Saylici waxa ay isbahaysteen Muuse Biixi Cabdi iyadoo la filayo in sidaas ay labada dhinacba taageero xooggan ku helaan. Hase ahaatee sida la sheegayo waxa soo badanaya xubnaha Golaha Dhexe ee Muuse taageersan laakiin aan rabin in ay Saylici u codeeyaan, taas oo la sheegay in ay Madaxweyne-xigeenka ku abuurtay werwer isla markaana ku keentay in uu aad u kordhiyo ololihiisa oo uu salka dhigi waayo.

Weli ma kala cadda in uu Xaglo-toosiye gilgili doono Saylici iyo in uu gambin doono.

Loollanka jagadan loogu jiro ayaa xoogaystay goor hal maalin oo kaliya ay inaga xigto qabsoomiddii shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Guddidii uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay xalinta khilaafka Golaha Dhexe ee Kulmiye 2-dii November oo ka koobnaa Xasan Axmed Aadan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxamed Faarax Xirsi, Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka, Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Axmed Muxumed Madar, Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif), Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC ayaa habeen hore Madaxweynaha la wadaagay natiijada baadhitaankoodii, hase ahaatee xalay ayay warbaahinta u suurto-gashay faahfaahinta warbixinta ay soo saareen, inkastoo Isbahaysiga musharaxiintu hore ugu dhawaaqeen in aanay ogolayn guddigaas.

Dadweynaha Somaliland ayaa isha ku haya sida ay wax u dhici doonaan maalmahan soo socda, in kastoo xiisihii shirkaas loo qabay uu hoos u dhacay kadib markii murashaxiintii Muuse Biixi la tartami lahayd ay is-casileen taas oo keentay in natiijadu noqoto mid la saadaalin karo.

bandhige@gmail.com