Fanaanka K’nan oo u soo noqday diinta

Fanaanka weyn ee caanka ah Kaynaan Cabdi Warsame ayaa diinta Islaamka qaatay halkaas oo  uu khadiibka weyn ee Masaajidka Nebiga (C.S.W) ee Madiina Sheekh Saalax Binu Maxamed Budayr  uu shahaadadda ugu qabtay, isla markaana uu haatan diyaar u yahay inuu joojiyo heesaha uu qaadi jiray.

Heesaagan oo asalkiisu yahay Soomaali, hase ahaatee haysta dhalashada Kanada, ayaa in muddo ah booqasho ku joogay dalka Sucuudiga, isla markaasna uu Sheekh Salaax Binu Maxamed Budayr uu ugu baaqay inuu Diinta Islaamka barto,taasi oo wax badan ka tari doonta fahamka iyo akhlaaqda islaamka.

Fanaanka weyn ee Kaynaan ayaa la sheegay inuu si balaadhan ugu mahad celiyey Khadiibka masaajidka Nabiga (C.S.W) ee Madina SHeekh Budayr soo dhaweyntiisa wanaagsan, isla markaana waxa  aad u ammaanay jawiga wanaagsan ee uu kala kulmay masaajidka nabiga (C.S.W) iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyo dadyawga caalamka ka imanaya.

Kaynaan ayaa la sheegay inuu wakhti xaadirkan uu ku dhaqaaqi doono, sidii uu dadaal u galin lahaa, fulinta tabarucaadyo iyo arimaha bani aadanimada ah, iyo  barashada Diinta Islaamka, oo uu muddo faro badan ka maqnaa.

Sidoo kale waxa la sheegay inuu Kaynaan uu u socdaali doona magaalada Makka si uu kulamo ula yeesho Culimada dalka Sucuudiga , una soo guto Cumrada markii koowaad ee noloshiisa,