Faransiiska oo bilaabaya weeraro dhinaca cirka ah oo uu ku beegsanayo Daacishta Suuriya

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa shaaca ka qaaday in diyaaaradaha dagaaladku bilaabi doonaan duulimaadyo indha-indhayn ah oo ku aadan dalka Suuriya, ka hor inta aanu ku biirin weerarada ka dhanka ah ururka Daacish ee uu hoggaaminayo Mareykanku.

Diyaaradaha dagaalka Faransiiska ayaa ka qayb qaata weerarada cirka ee Maraykanka ku beegsanayo Daacish Ciraaq. Faransiiska ayaa noqonaya waddankii ugu horeeyey ee reer Galbeed ee ku biiri doona marka laga yimaado Maraykanka.

Francois Hollande oo ka hadlayey arrinta waxa uu yidhi:

“Waxa i weydiisay wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka in aan beri bilowno duulimaadyo aan dusha sare uga eegeyno Suuriya, si taasi ay noogu ogolaato in aan qorsheyno weeraro ka dhan ah Daacish.”

Waxa kale oo uu cadeeyey Madaxweynaha Faransiisku in aan ciidamada Faransiisku lug ku tagay Suuriya, balse ay duqayn dhinaca cirka kula dagaalami doonaan Daacishta Suuriya.

bandhige@gmail.com