Feedhyahan Maxamed Cali Clay oo ku soo biiray dadka cambaaraynaya Donald Trump

Maxamed Cali Clay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadallo ka soo yeedhay murashaxa safka hore kaga jira Jamhuuriya Maraykanka Donald Trump, kaas oo ahaa in aan Muslimiinta loo oggolaan in ay soo galaan dalka Maraykanka.

Maxamed Cali oo ah feedhyahanka ugu caansan dunida kana mid ah dadka wajigooda loogu aqoonsiga og yahay dunida ayaa Muslimiinta ugu baaqay in aanay marnaba aqbalin haddallada noocan ah isla markaana ay u istaagaan sidii ay isaga caabin lahaayeen.

“Aniguba Muslim baan ahay. Ma jirto wax ka dhaxeeya Muslimnimada iyo dadkii lagu dilay Paris iyo Maraykanka.” ayuu yidhi Clay.

Donald Trump ayaa dadweyne fara badani ay u soo jeedinayaan in uu murashaxnimada ka tanaasulo maadaama uu noqday qof hadal kasta oo ka soo baxa ay dhibsadaan qayb ka mid ah bulshada Maraykanka.

Hase ahaatee wuu diiday dhawaaqyadaas, wuxuna sheegay in aanu marnaba ka tanaasulayn murashaxnimadiisa.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in aanu Donald Trump murashax noqon karayn sabab la xidhiidha hadallada dhawaanahan ka soo yeedhayey.

Ururrada Muslimiinta Maraykanka iyo kuwa u dooda xuquuqda Aadamaha ayaa ku eedeeyey murashaxan in uu nacayn ka dhex abuurayo dadweynaha Maraykanka isla markaana uu yahay xagjir neceb muslimiinta.

Il-wareed: bbcnesw.com

Bandhige@gmail.com