Qiimo-dhaca shidaalka ee dunida iyo sixir-bararka dalkeena

Telefishanka caanka ah ee Star TV ayaa barnaamij ka sameeyey shidaalka oo dunida hoos u dhacay 60%  laakiin dalkeena uu qiimihiisu kor u sii kacayo ama uu halkiisii taagan yahay. Dadweyne telefishanku waraystay ayaa tibaaxay sida ay muhiimka u tahay in qiimaha shidaalka ee dalkeenu uu la jaan-qaado ka caalamka maadaama aynu nahay bulsho sabool u badan.

Telefishanka Star wuxu sheegay in ay isku dayeen in ay la xidhiidhaan shariikadaha shidaalka soo dejiya kuwa ugu waaweyn sida Readsea Petroleum iyo Hass laakiin ay ka gaabsadeen in ay jawaabo ka bixiyaan. Sidoo kale, Telefishanku waxa uu sheegay in ay xafiikiisa ku booqdeen Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim oo qaabilsan xakamaynta qiimaha shidaalka laakiin uu diiday in uu jawaab ka bixiyo arrinkan.

Xuseen Xasan oo ka mid ah macalimiinta jaamacadaha dalka wax ka dhiga isla markaana aqoon dhow u leh arrimaha ascaarta ayaa Telefishanka Star u sheegay in qiimaha shidaalku uu dunida hoos u dhacay June 2014 laakiin dalkeena aanu weli hoos u dhac la mid ah ka dunidu ku iman. Xasan Xuseen wuxu sheegay in uu dawladda door uga bannaan sidii ay u hubin lahayd in qiimaha shidaalka ee Somaliland uu yahay mid la socda ka dunida.

Dhawaan ayaa xukuumadda Somaliland ay Haamaha Shidaalka ku wareejiyeen shariikado gaar loo leeyahay oo ay ka mid yihiin kuwa aynu kor ku xusnay in kastoo ay Golaha Wakiilladu cod ku diideen. Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalku waxay ganacsatada u sahlaysaa in ay sida ay doonaan u maamulaan qiimaha shidaalka iyo xaddiga shidaalka ee dalka imanaya, sida ay tibaaxeen dhaqaalyahanno aanu wax ka waydiinay.

Hoos ka daawo barnaamijka Telefihsanka Star TV.

Bandhige@gmail.com