Ururka kubbada cagta ee adduunka ee FIFA ayaa waxay maanta dooranayaan Madaxweyne cusub kadib markii Madaxweynihii hore Sepp Blater iscasilaye eedaymo musuqmaasuq oo uu Maraykanku ku soo eedeeyey.
In ka badan laba boqol oo ergey ayaa waxa dooranayaa Madaxweyne cusub ee hoggaanka FIFA qaban doona wakhti ay dul hoganayaan eedaymo musuqmaasuq.
Waxa u sharaxan jagadda Madaxweynenimada FIFA shan oo musharaxa kuwaas oo la filayo in ay ku kala baxaan.
Wareega koowaad ayaa waxa codadka ugu badan helay labadan musharax Gianni Infantino ee dalka Switzerland iyo Sheekh Salman-ka Baxrain.
Waxa haatan socda wareega labaad ee doorashada kaas oo la filayo in lagu doorto Madaxweynaha cusub ee FIFA.