Guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa caawa fiidkii cisbitaalka weyn ee Hargeysa ku soo booqday dadkii ku dhaawacmay shilkii gaadhi ee ka dhacay inta dhaxaysa Gabiley iyo Kala-baydh oo ay sida oo kale ku dhinteen 14 ruux oo rayid ah.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu dadkii ku dhawacmey shilkan oo ay tiradoodu ahayd 9 ruux uu Illaahay uga baryey in uu caafimaad taam ah siiyo isaga oo dhanka kale dadkii ku dhintey shilkan oo iyaguna ahaa 14 ruux alleh ugu baryey in uu u naxariisto ehelkoodiina samir iyo iimaan ka siiyo
Ugu danbeyntii Cirro ayaa waxaa uu xafiiskiisa ugu tagtey Agaasimaha cisbitaalka guud ee Dr. Askar waxaana u ka wareytay sida ay shaqaalaha isbataalku shaqada ugu wadaan dadkan ku wax yeeloobay shilkan gaadhi, waxaana uu uga mahad celiyey sida hufan ee ay dadweynaha ugu adeegayaan isagoona ku booriyey in ay dedaalka halkaasi ka sii wadaan.