Gianni Infantino oo u dhashay dalka Switzerland ayaa loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA.
Gianni Infantino oo asal ahaan Talyaani ah, ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada FIFA ee ka dhacday magaalada Zurich kaga adkaaday Sheekh Salman bin Ebrahim al-Khalifa, oo u dhashay dalka Bahrian.
Wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada ee labaad ayaa Infantino waxa uu helay 115 ka mid ah 207 cod guud ee codbixiyayaasa, halka Sheekh Salman uu ka helay 88 cod.Sidooย kale labada musharax ee ugu hooseeyey ayaa waxay iyaguna kale heleen Amiir Cali bin al-Hussein 27, Jerome Champagne toddoba cod.
Dhanka kale Tokyo Sexwale oo ahaa musharaxa shannaad oo u dhashay waddanka Koonfur Afrika waxa uu isagu ku hadhay wareega koowaad ee doorashada.
Gianni Infantino ayaa waxa uu hore usoo ahaa Xogahayaha Guud ee ururka UEFA. Hadal uu jeediyey markii uu guulaystay ayaa waxa uu sheegay in uu rabo in uu dib u soo celiyo sumcaddiii FIFA, balse wali waxa dul hogganaya FIFA fadeexada musuqmaasuq iyo dadka badan oo kalsooni badan ku qabani FIFA.
Sidoo kale waxa wax-ka-bedel lagu sameeyey awoodaha Madaxweynaha FIFAย iyo wakhtiga uu Madaxweynuhu xilka hayn doono.