Wefti ka socda dawladda Itoobiya oo shalay booqasho ku yimid Hargeysa

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha dibedda Cabdiraxmaan Abdeeq ayaa waxa uu shalay ku soo dhaweeyey Hargeysa wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Ambassador Salamon oo ah wakiilka saafarada Itoobiya u fadhiyda Somaliland.

Ujeedada weftigan ayaa waxay socdaan ka qayb galka shir sannadle ah oo ay wada yeeshaan Somaliland iyo Itoobiya oo laga hadlo xoojinta xidhiidhka labada dal, caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga, wadddooyinka iyo arrimo kale.

Agaasimaha Arrimaha Dibedda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin booqashada weftigan, waxa kale oo Agaasimuhu ka hadlay ujeedada weftigan isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxaan maanta (Shalay) soo dhawaynaynaa wefti ka socda dawlada aynu jaarka nahay ee Itoobiya, weftigan oo ujeedadoodu tahay ka qayb gallka shir sannadle ah oo ay ย labada dawladood wada yeeshaan kuna saabsanaa sdii ay iskaga kaashan lahaayeen labadan dawladood dhanka waxbarashada,caafimaadka, waddooyinka iyo ganacisiga.โ€

Sidoo kalena agaasimuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi:

โ€œWeftigan waxa uu ka kooban yahay dhammaan wasaaraddaha dawladda Itoobiya waxaan leenahay kusoo dhawaada Somaliland, waayo laba dal oo isku mid ah oo jaar ah ayaynu nahay, waxyaabaha ugu weyn ee aynu kawada shaqaynaana waa ammaanka.โ€

Dhanka kalena waxa isna halkaasi ka hadlay Ambassador Salamo oo ah wakiilka hoggaamineyey weftigan ayaa waxa uu yidhi:

โ€œWaanu ku faraxsan ahay in aan soo gaadhno Somaliland, waanan u mahadcelinaynaa dawladda Somaliland sida qiimaha leh ee ay nosoo dhawaysay, shirkan ayaa ka socon doona guddaha Somaliland laba cisho, waxaanan kawada hadli doonaa sidii ay labada dawladdood iskaga kaashan lahaayeen dhanka siyaasadda, dhanka dhaqaalaha, horumarinka bulshada labada dal, amniga, waxaanan rajaynaynaa in kulanka ay kasoo baxaan waxyaalo faaโ€™iido leh, oo ay bulshada labada dawladoodna aad iskugu soo dhawaynaya.โ€

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa mid soo jireen ah, balse sannad dambe ayaa dadka siyaasada ka faaloodaa ku doodaan in uu wiiqmay xidhiidhkaasi tan iyo intii xukunka qabsaday Madaxweyne Siilaanyo.

Halkan hoose ka daawo warka soo dhoweynta weftiga Itoobiya:

bandhige@gmail.com