Heshiiska lagu joojinayo dagaalka dalka Suuriya ayaa hadda dhaqan gal ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku dhiiri-gelinayso dhinacyada ku dagaalamaya guddaha Suuriya in dhowraan qodobadda heshiiska.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Suuriya, Staffan De Mistura waxa uu sheegay in saddex ย daqiiqo kaddib xilligii dhaqan galka xabad joojinta, waxaa lagu soo waramay in Darca iyo Dimishiq ay isu badaleen dhul xasilloon.
Wadahadallada nabadda ayaa lagu wadaa in ay dib uga bilowdaan Geneva, todobada bisha Maaraj.
Safiirka Suuriya ee Qaramada Midoobeey, Bashar al-Ja’afari waxa uu golaha amniga u sheegay in dowladda ay xaq u leedahay in ay ka jawaabto gardaro kastaa oo kaga timaada wax uu ku sheegay โargagixisadaโ.
Kooxda mucaaradka Suuriya ugu wayn waxa ay sheegtay in ka badan boqol koox oo mucaarad ah ay isku raaceen in ay u hoggaansamaan heshiiska xabad joojinta Suuriya.
Laakiin guddiga dhexdhexaadinta waxa ay sheegayaan in beesha caalamka looga baahan yahay in ay xaqiijiso in dawladda Bishaar Al Asad iyo xulafadeeda aysan weerarin mucaaradka qunyar socodka ah, ayadoo lagu andacoonayo in argagixiso la weeraray.
Dhaqan galka xabad joojinta ayaa waxa dhinaca diyaaradaha dagaalka Ruushku sii wadaan duqeynta goobaha mucaaridka joogaan.
Sidoo kalena xoogaga dawladda ayaa sheegay in ay qabsadeen deegaan cusub oo ay ku jiraan deegaano hoos yimaaada Xalab.
Balse waxa duqeynta Ruushka iyo fiditaanka xoogaga dawladda ayaa waxay horseed karaan in uu jabo xabad joojinta hirgashay xalay.