Madaxweyne Mugabe oo u dabaal-degaya sannad-guuradiisa 92-aad

Robert Mugabe oo ah madaxweynaha ugu da’da weyn hoggaamiyeyaasha dunida ayaa Sabtidan maanta u dabaal-degaya sannad-guuradiisa 92-aad.

Xafladda dhalashada Robert Mugabeย  sida lagu soo warramayo waxa lagu qabanayaa qalcadda taariikhiga ah ee loo yaqaan Great Zimbabwe taas oo qarnigii 13aad madaxtooyo u ahaan jirtayย  boqortooyadii dalkan ka tali njirtay ee la odhan jiray Munhumutapa.

Dad lagu qiyaasay 50,000 oo marti ah ayaa xafladda maanta ka soo xaadiraya. Wargeysada iyo warbaahinta dawladda ee dalkaas ayaa maanta aad ugu mashquulsan ammaanta Madaxweyne Mugabe iyo sida hoggaamintiisa loo mahadiyey.

Dhanka kale, waxa dalka ka socda abaar ba’an iyo sidoo kale dagaal ba’an oo loogu jiro ciddii beddeli lahayd Madaxweyne Mugabe oo hadda loo arko cadceed sii dhacaysa. Madaxweyne-Xigeenka dalkaas oo loo arko qofka mustabqalka beddelaya Mugabe ayaa caqabad adagi soo food-saartay kadib markii aflegaado darani ay kaga timid xaaska Mugabe oo iyada qudheeda hunguri kaga jiro hoggaaminta Zimbabwe Madaxweyne Mugabe dabadii.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa tibaaxay magacaabis la’aanta ciddii Mugabe beddeli lahayd in ay kooxo is haya ka dhex abuurtay xukuumadda dalkaas, khilaafkaas hoos-ka-tuurka ah oo ragaadiyey waxqabadka xukuumadda Zimbabwe.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com