Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashooyinka Iiraan ayaa muujinaya in kooxaha isbeddel-doonku gacan sarreeyaan

Doorashadii shalay ka qabsoontay Iiraan ee lagu soo dooranayey baarlamaanka iyo golaha sare ee dalkaas ayaa muujinaysa in kooxaha dhexdhexaadka ah iyo kuwa isbeddel-doonka ahi ay gacan sarreeyaan.

Tani waxay awood dheeraad ah siin doontaa Madaxweyne Ruuxaani oo dhawaan saxeexay heshiis lagu hakinayo nukliyeerka Iiraan taas beddelkeedana faa’iidooyin dhaqaale ay Iiraan helayso. Waxase heshiiskaas aan la dhacsanayn hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaas Aayotullah Khumayni iyo kooxaha dhiniciisa u janjeedha.

Labada dhinac ayaan la filayn in uu midkoodna helo aqlabiyad uu kula wareegi karo gebi ahaan goleyaasha dalkaas, hase ahaatee waxa markii koowaad ku gacan-sarrayn doona laga soo bilaabo 2004-tii.

Tiro aad uga badan intii la filayey ayaa u soo baxday doorashadii Jimcihii, taas oo keentay in lix saacadood la kordhiyo wakhtiga ay furnaanayaan goobaha cod-bixintu.

Haddii marka tirada la dhammeeyo ay sida saadaashu dhigayso wax u dhacaan, Madaxweyne Ruuxaani wuxu awood u yeelan doonaa in uu si ka badan sida hadda ula macaamilo reer-galbeedka, kuna tallaabsado isku-dayo uu dalkaas ku furfurayo uguna raadinayo horumarin dhinaca dhaqaalaha, tiknoolojiga iyo guud ahaan aqoonta ah.

Bandhige@gmail.com