FIFA waxay xayiraad maamul saareen guddoomiyihii xidhiidhka CONCACAF Blazer

FIFA oo beryahan dambe la daalaa-dhacaysa duufaano siyaasadeed iyo eedaymo musuq ah oo loo jeediyey madaxdeeda ayaa go’aamisay in ay xayiraad ku soo rogto Chuck Blazer oo ka mid ahaa Guddidii Fulinta FIFA, una sheegay maxkamad Maraykanka ku taal in ay madaxda sar sare ee FIFA laaluush ka qaateen,go’aankii ay ku ansixiyeen in waddamada Faransiiska iyo Koonfur Afrika ku martigeliyaan koobabkii adduunka ee1998 iyo 2010.

Warbixin qoraal ah oo ay FIFA soo saartay waxay ku sheegeen in Blazer aanu mar dambe ka mid noqon doonin maamulka ciyaaraha hay’addan caalamiga ah ee kubadda cagta, FIFA.

70 jirkan Maraykanka u dhashay ayaa laga mamnuucay ka-qayb-qaadashada nooc kasta oo kubadda cagta la xidhiidha heer qaran ama kuwa caalamiga ah, ka dib falal badan oo anshax xumo oo lagu eedeeyey in uu ku kacay.

Blazer ayaa lagu eedeeyey intii uu xilka hayey in uu ahaa xubin muhiim ah oo qayb ka ahayd wax iswaydaarisiga laaluushyo iyo lacago si qalad ah loo bixiyey.

Baadhitaan ay sameeyeen guddiga anshaxa ee ku-meel-gaadhka ah ayey ku soo rogeen ganaax Blazer ka markii ay ku heleen eedaymaha wax iswaydaarisiga laaluushyo iyo lacago si qalad ah loo bixiyey.

Guddidu sidoo kale waxay ku heleen Blazer danbiyo xad-gudub ku ah xeerarka guud ee anshaxa,  daacadnimada, sirta, iyo qaadashada hadiyado, laaluushka aan sharci ahayn.

Baadhitaannadan lagu hayo FIFA waxay bilaabmeen dhammaadkii May, waxaana la filayaa in ay sii socon doonaan ilaa laga gun gaadhayo.

Bandhige@gmail.com