Labada xisbi ee mucaaridku waxay baaq kama-dambays ah u diray xukuumadda, waxayna isugu imanayaan talo qaran

Labada xisbi ee mucaaridka ayaa sheegay in ay ka daaleen heshiishyo sida ay hadalka u dhigeen madhalays ah oo ay xukuumaddu la saxeexato, waxayna sheegeen in doonitaanka shakhsiga ah ee Madaxweynuhu uu halis ku yahay nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa ay sheegeen in labada xisbi ku heshiiyeen in ay talo-qaran isugu yimaadaan 21-ka July si ay go’aan uga qaataan waxa ay u arkaan in mustaqbalka dalku ku habboon yahay.

War-saxaafad ay wada-jir u soo saareen oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay wuxu u dhigan yahay sidan:

HESHIIS LABADA XISBI MUCAARID GADHEEN

Nabadda  iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa khatar iyo dib-u-dhac ku ah rabitaanka madaxweynaha iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo ah in aan doorasho dalka kadhicin.

Sidaa darteed, waxay labada xisbi-mucaarid mawqif midaysan ka qaateen heshiisyada ma-dhalayska ah ee xukuumaddu saxeexdo.

Waxaa 5tii, bishan Juulay 2015ka kulan ay labada Xisbi ee UCID iyoWADDANI ku yeesheen Hotel Ambassador oo ay goob-joog ahaayeen labada Guddoomiye ee labada Xisbi Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” kaga doodeen arrimaha siyaasadda, nabad-gelyada iyo bulshada ee Somaliland, gaar ahaan heshiiskii ay wada-galeen xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran 27kiiMay 2015ka; ee welina laga sugayo xafiiska madaxweynaha. waxay go,aan ku gaadheen:

Ø Iyaga oo tix-geliyey amniga qaranka, dhawrayana

karaamadda ummadda

Ø Iyaga oo tix-geliyey deggenaashaha iyo xasilloonida Dalka,

Ø Iyaga oo tix-geliyey bisha Ramadaan ee lagu jiro,

Ø Iyaga oo tix-geliyey muddada dheer ee laga sugayey

xukuumadda inay fuliso heshiiska,

Innay baaq kama danbaysa u dirayaan Madaxweynaha:

  1. In Madaxweynuhu fuliyo heshiiska saddexda xisbi iyo

xukuumadda ee lagu wada galay madaxtooyadda 27kii May

2015ka.

  1. In Madaxweynuhu isaga oo xurmeynaya heshiiska saddexda

xisbi iyo xukuumadda, tixgelinayana danta qaranka in uu

digreeto ku soo saaro heshiiskii la-wadda-galay, ka hor

20/7/2015ka,

  1. In haddi aannu madaxweynuhu fullin heshiiska soona saarin

Degreeto heshiiskii la wada-galay inay isbahaysiga mucaaridku isugu iman doonaan talo dalka lagu badbaadinayo Qaranimada Somaliland  21-26 July 2015ka,

ALLAA MAHAD LEH