Xildhibaan Bidhi oo taageeray go’aankii Wasiirka Ciyaaraha ee martigelinta tartanka gobollada

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi ( Bidhi ) oo ka mid ah xildhibaannada gollaha deegaanka ee Burco isla markaana ka mid ahaa guddidii ugu firfircoonayd koobkii gobollada 2011-kii  ee lagu qabtay magaalada Burco, ayaa ku taageeray Wasiirka Ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin go,aanka geesinimada leh ee uu ku qaatay in dhawaan Koobka GobolIada dalka lagu qaban doono Boorama iyo Burco.

Xildhibaanku Bidhi wuxu dadweynaha magaalada laga soo doortay ee Burco ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan martida iyo masuuliyiinta sannadkan martida ku noqon doonta Gobolkan sial markaana ay muujiyaaana sidii wanaagsanayd ee awalba looga bartay soona saaraan milgihii iyo sharaftii lagu yaqaanay Gobolka.

Hadalka xildhibaanku wuxu ku soo beegmay xilli Wasiirka Ciyaaruhu go’aamiyey in tartanka ciyaaraha gobollada ay wada martigelin doonaan magaalooyinka Burco iyo Boorama.

 

bandhige@gmail.com