Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Faransiiska Franciois Fillon oo ah murashax dhinaca midigta u janjeedha ayaa ku guulaystay in uu hanto murashaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee Faransiiska kadib markii wareegii labaad oo doorasho is-reeb-reeb ah la qabtay iyadoo uu wareegii horena ka badiyey madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarcozy.
Francois Fillon oo xisbigiisa doorashada u meteli doona waxa la saadaalin doonaa in uu doorasahda sannadkan soo socda muddaysan uu kaga adkaan doono madaxweyne François Hollande oo taageeradiisu hoos u dhacayso marba marka ka dambaysa.
Francois Fillon ayaa dhawaan qoray buug uu ugu magac-daray “Islamic totalitarianism” kaas oo uu ku sheegay in uu aamisan yahay in dhulka lala mad-habaha salafiga iyo akhwaanu-muslimiinta, isla markaana wuxu kaga digay qaabka ay kooxo muslimiin ah oo aan wada-noolaanshaha aaminsanayn ugu fidayaan dalkiisa.
Franciois Fillon waa 62 jir, wuxuuna ra’iisal-wasaare ka ahaa Faransiiska intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2016, isagoo muddadaas ka hoos shaqeeyey madaxweyne Nicolas Sarcozy.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com