Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Hargeysa ku soo laabay kadib markii uu 10 maalmood ku maqnaa gobollada bariga isaga oo ku tagay gurmadka abaarihii saameeyey gobollada bariga. Safarka madaxweynaha waxa loo bixiyey Tabantaabo iyo Taakulayn Qaran.
Safarka madaxweynaha waxa ku wehelinayey wasiirro door ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Warfaafinta Caddaani Cabdillaahi Saxardiid, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse,Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi-Dheere, madax ka tirsan xisbul-xaakimka oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Kulmiye ahna murashaxa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii xisbul-xaakimka ayaa ku negaaday magaalada Ceerigaabo. Sida afhayeenku tibaaxay, wuxu guddoomiyuhu u hadhay hawlo gooni ah.
Marka laga reebo gurmadka abaaraha, waxa xusid mudan in madaxweynuhu doorkan gaadhay magaaladda Xuddun ee u dhaw xuduudda ay Somaliland la leedahay Puntland, isaga oo noqday madaxweynihii koowaad ee Somaliland ah ee booqda Xuddun. Sidoo kale wuxu madaxweynuhu booqday una hoyday magaalo-madaxda Sool, Laascaanood.
Hoos ka daawo shir-saxaafadeed uu qabtay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige “Deyr.”