Francois Hollande: Iskuma soo sharixi doono doorashada soo socota ee Faransiiska

 

Madaxweynaha hadda ee Faransiiska Francois Hollande ayaa xalay soo joogsaday shaashadda isaga oo ka soo hadlayey qasriga madaxtooyada ee Élysée, Paris, wuxuna shaaciyey in aanu xisbigiisa weydiisan doonin in uu murashax u noqdo doorashada soo socota ee Faransiiska ka dhacaysa 2017.

Mr. Hollande wuxu sheegay in marka uu eego heerka ay taagan tahay taageerada uu ka haysto shacbiga Faransiiska uu go’aansaday in aanu fursadda ka lumin xisbigiisa isla markaana aanu isku biimayn doorasho uu sii og yahay in adkaanayso in uu ku guulaystaa.

Sahan dhawaan la weydiiyey dadweynaha Faransiiska 4% kaliya ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida uu wax u wado madaxweyne Francois Hollande.

Go’aankan uu madaxweyne Hollande gaadhay wuxu ka yaabiyey dadweynaha Faransiiska oo aan fileyn maadaama muddo aad u dheer aanu jirin madaxweyne kursiga ku fadhiyo oo go’aansada in aanu mar labaad isa soo sharixin. Sidoo kale wuxu sakati ku riday xisbigiisa Socialist-ka oo u muuqda in aanu ka sii tabaabushaysan ciddii ay murashax ka dhigi lahaayeen.

Su’aashu waxay tahay go’aankani muxuu uga dhigan yahay  François Fillon oo toddobaadkii ina dhaafay xisbiga Jamhuurigu u sharaxay in uu u metelo doorashada 2017-ka. Jawaabtu waa mid aan lagu degdegi karin. Francoic Fillon wuxu ku talo-galay in uu la tartamayo François Hollande oo uu ogaa in uu si sahlan doorashada ugu jabin doono, hase ahaatee haatan ma oga cidda ay is waajihi doonaan, waxana sida ay wax u dhacayaan la saadaalin doonaa marka uu xisbiga Bulshada ama Socialist-ku magacaabaan murashaxooda madaxweynaha.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com