Furista goobaha cod-bixinta doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka Burundi oo dib u dhacay

Doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee Burundi ayaa maanta loo dareeray iyadoo si rasmi loo furay goobaha codbixinta. Hase ahaatee goobo badan oo dadku codkooda ka dhiiban lahaayeen ayaa furitaankoodii dib u dhacay iyadoo ku talo-galku ahaa in la furo 6.00AM.

Doorashadani waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay wali socdaan dibad-baxyo lagaga soo horjeedo Madaxweyne Pierre Nkurunziza in uu mar saddexaad isu soo taago doorashada madaxweynenimo.

3.8 milyan oo qof ayaa is-diiwaangeliyey si ay codkooda u dhiibtaan. Hase ahaatee mucaaridka iyo ururrada bulshada ayaa qaadacay doorashooyinka kuna tilmaamay inaanay xor iyo xalaal noqon doonin.

Masuuliyiinta dawladda ayaa diiday dalab ka yimid bulshada caalamka oo ah dib-u-dhigista doorashooyinka.
Midowga Afrika ayaa sheegay in aanay goobjoogeyaal u dirayn doorashooyinka Burundi, sidaasna waxa sheegtay Nkosazana Dlamini-Zuma oo ah Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika.

Dhinaca kale, booliksa Burundi ayaa sheegay in xalay la weeraray dhowr goobood, hase yeeshee aanay waxba soo gaadhin agabka doorashooyinka.

Rabshadaha ka socda Burundi waxay bilaabmeen ka dib markii madaxweyne Nkurunziz ku dhawaaqay in uu mar saddexaad u sharaxan yahay madaxweynaha Burundi.

Hoggaamiyeyaasha mucaaridka Burundi ayaa ku tilmaamay talaabadan madaxweyne Nkurunziza mid dastuurka ka soo horjeedda isla markaana xad-gudub ku ah heshiishyadii nabadda ee lagu soo afjaray dagaalladii sokeeyey ee 13-ka sanno ka socday dalkaas.

Doorashada madaxtooyada ayaa iyadana la muddeeyey in ay dhacdo 15 July sannadkan walow ay mucaaridku aad u diidan yihiin sidaas daraadeedna aan la saadaalin karin sida ay wax u dhici doonaan.

Bandhige@gmail.com