Gaadhi kuwa xadhkaha ku dul socda ayaa shil ku galay Jarmalka

 

Ugu yaraan 75 ayaa laga soo badbaadiyay gaadhi kuwa xadhka ku socda ah ka dib markii uu dul istaagay oo uu ka soo laadlaadsamay meel afartan mitir ka saraysa wabiga Rhine ee ku yaalada magaalada Cologne ee dalka Jermalka.

Shaqaalaha Gurmadka degdegga ah ayay u suurtagashay in ay soo badbaadiyaan dadka, kadib markii ay rakaabku saacado ka laadlaadeen hawada.

Sawirro laga helay goobta ayaa muujinaya carruur la badbaadinayo, lamana soo sheegin dad dhaawacmay.

Arrintan ayaa la sheegay in ay sababtay ka dib markii gaadhigu uu ku dhacay mid ka mid ah tiirashii hayay xadhka uu gaadhigu ku dul socday

Dhammaan 32 gaadhi oo la rumaysan yahay in ay markaas adeegsanayeen isla khadkan xadhka ayaa la hakiyay kadib markii ay shilkani dhacday.

Nin dhulka loo sii wado oo xajinaya ilmo yarNin dhulka loo sii wado oo xajinaya ilmo yar
Shaqaalaha dabdamiska ayaa adeegsday wiishash si ay u soo badbaadiyaan dadka oo ka laadlaaday meel 40 mitir ka sarraysa dhulkaShaqaalaha dabdamiska ayaa adeegsday wiishash si ay u soo badbaadiyaan dadka oo ka laadlaaday meel 40 mitir ka sarraysa dhulka
Qof rakaab ah oo ka war dhawraya samatobixiyeyaashaQof rakaab ah oo ka war dhawraya samatobixiyeyaasha
Haweenay iyo ilmo la badbaadinayoHaweenay iyo ilmo la badbaadinayo

bandhige@gmail.com