Mas’uul sare oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Kiiniya una qaabilsanaa maamulida hanaanka codeynta ee kombuuterada ayaa meydkiisa la helay iyadoo muddo tobaad ahi ka hadhsan tahay doorashada guud.
Chris Musando, oo guddiga doorashooyinka ee IEBC u qaabilsanaa dhinaca farsamada tecknoolajiyada ayaa sameeyay hanaan uu ku sheegay in aan la jabsan karin.
Ninkan ayaa la waayay Jimcihii aan soo dhaafnay, sida uu sheegay boolisksa.
Wargeys ka soo baxa dalka Kiiniya ayaa ku warramay in meydka Musando la helay iyadoo jirkiisu uu jidh-dil ka muuqdo.
Doorashooyinkii u dambeysay ee Kiiniya ka dhacay 2013-kii, ayaa hannaankii codeynta iyo tirinta codadka ee ku shaqeynayay combuuterka uu guuldarreystay. Waxay taasi horseeday eedayma ah in doorashadii lagu shubtay.
Chris Msando ayaa todobaadyaddii dhawaa lagu arkayay telefihsinada maxaliga ah isagoo sharraxaad ka bixinayo qalabka uu guddiga u istcimaali doono doorasahdan oo lagu tilmaamay mid aan loo dhici karin.
Dhimashadiisa oo aan caddeyn sida ay ku timid todobaad ka hor doorasahada ayaa su’aalo badan dhalin doonto.
Qiyaasihii u dmabeeyay ee soo baxay waxay sheegayaan in madaxweynaha xilka haya Uhuru Kiiniyatta iyo musharraxa mucaaradka Raila Odinga ay aad isugu dhow yihiin dhinaca saadaasha codadka.
Xiisad ayaa ka taagan guud ahaan dalka iyadoo laga casbi qabo in ay dalka ka dhacaan rabsahdo marka lagu dhawaaqo natiijada.
Balse khuburada ayaa saadaalinya inaysan dalka ka dhici doonin rabshado la mid ah kuwii dhacay toban sanno ka hor oo 1,200 oo qof ay ku dhinteen.