Madaxii warbaahinta Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa xilkii laga qaaday

 

Agaasimihii warbaahinta Aqalka Cad Anthony Scaramucci ayaa shaqada laga cayriyay kaddib wax ka yar 10 maalmood oo uu xilkaasi hayay.

Scaramucci ayaa la kulmay cambaareyn kaddib markii uu u yeeray weriye kaddibna uu jeediyay khudbad dheer oo uu ugu gafay dadka ay isla shaqeeyaan.

Agaasimihii Madaxtooyadda Aqalka Cad Reince Priebus iyo Afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer ayaa labadooduba Scaramucci dartiis shaqada uga tegay.

Go`aankan ayaa waxa gaadhay agaasimaha cusub ee Madaxtooyadda Aqalka Cad, Gen John Kelly, oo xilkaasi loo dhaariyay Isniintii.

Haweeneyda Afhayeenka u ah Madaxweyne Trump, Sarah Sanders, ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu u maleynayo in hadalkii uu Scaramucci u sheegay weriyaha uusan ku habbooneyn qof booskiisa oo kale jooga.

Inkastoo muddada uu xilka hayay Scaramucci ay aad u gaabneyd haddana wuxuu sameeyay amarro badan oo dhibaato abuurayay, wuxuuse haatan ka daba tegay kuwii dartiis isku casilay.

bandhige@gmail.com